4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Wafdi ka Socda Maamulka Puntland oo Maanta Gaaray Deegaan Gobolka Sool ka tirsan (Sawiro)

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar [Camey], ayaa maanta tagay deegaanka Buuro-wadal ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay dhul ay bixisay dowladda hoose ee Puntland oo kusoo dhawaaday kaantoolka Waqooyi ee Garoowe.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha baarlmaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, xubno ka mid ah golayaasha Puntland iyo waxgarad, iyagoo intii ay ku sugnaayeen deegaankaas kulammo la qaateen odayaasha dhaqanka.

Kulamada kaddib ayay wafdiga Puntland sheegeen in ilaalinta nabad-gelyada Puntland ay tahay muqaddas, loona baahan-yahay in laga wad-qayb-qaato xoojinta ammaanka guud ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Camey ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hoggaasamin amaawiirta ku aadanaa dhul-bixinta ee Puntland ay horay u soo saartay.

Ugu dambeyntii, Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Ugaas C/llaahi Ciise oo ka mid ah isimadii ka qayb-galay shirarkii dhexmaray xubnaha maamulka Puntland iyo waxgaradka Buuro-wadal ayaa sheegay in Puntland ku garab-joogsanayaan xasilloonida iyo nabadeyta gobollada Nugaal iyo Sool.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya