4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
SAWIRRO: Ergayga AU-da iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay xoojinta AMISOM & ciidanka Somalia

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Jose Madeira, iyagoo ka wadahadlay xoojinta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayay mas’uuliyiintu uga hadleen fulinta baaqii kasoo baxay shirkii lagu qabtay dhawaan dalka Jabuuti, kaasoo ay ka qaybgaleen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Baaqii kasoo baxay shirkii Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah; xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wakiilka ayaa isku af-gartay sameynta guddi si deg-deg ah u hawl-geli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha gun-dhigga u noqon kara ka guul-gaarista hawlgallada AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, waxaa kulankaan looga hadlay sidii degaannada Al-shabaab ay haatan gacanta ku hayso looga saari lahaa, looguna fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin shacabka.

Ugu dambeyn, kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha difaaca iyo amniga, Jen. C/raxmaan Sh. Ciise, la taliyaha arrimaha siyaasadda, Dr. Aweys Xaaji Yuusuf, taliyeyaasha ciidanka Somaila, AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya