4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Madaxweyne Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Australia (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub xukuumadda Australia ee Somalia, wakiilkana uga noqon doona Somalia, Mr John Feakes.

Xasan Sheekh ayaa wakiilka Australia uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad-dhisida, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsadey dowladda Australia inay gacan ka geysato barnaamijka dowladda Somalia ee la xiriira horumarinta dhalinyarada iyo shaqa abuurka.

Wuxuu madaxweynuhu uga mahad-celiyay Australia taageerada ay u fidiso Somalia, gaar ahaan dhacdadii dhawaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci-darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Dhanka kale, safiirka Australia, John Feakes ayaa madaxweynaha iyo xukuuandda Somalia ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsaday dhinacyada amniga, siyaasada, hir-gelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo Beesha Caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Somalia ay ku shaqeyso.

Mr. Feakes ayaa ka mahad-celiyay sida diirran ee loogu soo dhoweeyay Somalia, wuxuuna balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka.

Ugu dambeyntii, munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa; Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya