4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Qaraxyo ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta Waddanka Turkiga oo ay ku Geeriyoodeen 37-qof


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Qarax gaadiid miineysan loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 37-qof oo rayid u badan.

Inkastoo aysan jirin cid weli weli sheegatay mas'uuliyada qaraxyadan, ayaa haddana waxay mas’uuliyiinta dalka Turkigu sheegeen inay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo cidda ka dambeysa weerarradan ka dhacay Ankara.

Sidoo kale, Qaraxyadaan ayaa waxay imaanayaan iyadoo xukuumadda Ankara ay tan iyo bishii July ee sannadkii hore ay duqeynaysay saldhigyada kooxda PKK oo kasoo horjeeda xukuumadda Turkiga, iyadoo saraakiisha Turkiga ay sheegeen in Isniin manta ah ay 18-goobood oo ay PKK ku leedahay Ciraaq la beegsadeen duqeymo diyaaradeed.

Qaraxyadan oo dhacay Axaddii shalay ayaa ka dhacay meel ku dhow fagaaraha Kizilay ee bartamaha Ankara, halkaasoo ahayd goob laga dukaameysto oo ay ku badan yihiin shacab fara badan.

Wasiirka caafimaadka dalka Turkiga, Mehmet Muezzinoglu ayaa sheegay qaraxyadan lala beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa goob basaska laga raaco, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 120-qof.

Xukuumadda Washington ayaa si deg-deg ah u cambaareysay qaraxyadan, iyadoo hadal ay soo saartay ku sheegtay inay ka go’an tahay inay ka caawinayaan Turkiga dagaalka dhanka ka ah kooxaha Argagaxiada.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa isagana kulan deg-deg ah la qaatay xubnaha wasiirrada xukuumadda Ankara, kaasoo looga hadlay amaanka guud ee dalka Turkiga, kaddib Qaraxyadii shalay dhacay.

Dhanka kale, Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa wacad ku maray in Turkigu ay iska difaaci doonaan weerarro kale oo noocan oo kale ah ka dhaca dalkiisa, isagoo xusay inay xoojinayaan dagaalka ay argagaxisada kula jiraan.

Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo dhowr ah, kuwaasoo uu ka mid ahaa, qarax dhacay bishii labaad ee sannadkaan, waxaana ku dhintay 29-qof. Waxaana xukuumaddu ay qaraxaas ku eedeysay inuu fuliyay Nin Suuriyaan ah oo xiriir la leh fallaagada Kurdish-ka.

Kooxda ISIS ayaa waxay sidoo kale qarax la beegsatay dibadbax nabadeed oo ka socday magaalada Ankara, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 100-qof oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxayay, waxaana qaraxaas uu dhacay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Ugu dambeyn, dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo ismiidaamin ah oo ay ka dambeeyaan kooxo mucaarad ah, tan iyo markii Turkigu noqday dal ay xukunto dowlad cilmaani ah sannadkii 1923-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya