4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo kulan la yeeshay Amiirka dalka Kuwait (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar oo Safar ku jooga dalka Kuwait ayaa la kulmay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Kuwait ayaa wuxuu u gudbiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo intaas kaddib uga mahad-celiyay xukuumadda Kuwait taageerada ay la garab-taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa la kulmay RW Kuwait, Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, isagoo intaas kaddib kulan kale oo gaar ahaa la qaatay RW ku xigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait, Sheikh Sabah Khalid Al-Hamad Al-Sabah.

Waxaa kulammadan looga hadlay dib u furidda safaaraddii Kuwait ee Soomaaliya, shirka waxabarashada Soomaaliya ee ay marti-gelineyso xukuumadda Kuwait, hawl-gelinta san-duuqa maal-gashiga Kuwait ee Somalia, in la is weydaarsado booqashooyin heer wasiir ah.

Ugu dambeyn, wasiirka iyo mas’uuliyiinta Kuwait ayaa isla soo qaaday sidii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya ganacsatada dalka Kuwait, is-dhaafsiga khibradaha labada waddan iyo in la dhiso guddi heer wasiir ah oo labada dal u dhaxeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya