4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 14, 2016
Koox Xiriir la leh Al-Qaacida oo 16-qof ku dilay Weerar ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla Dalka Ivory Coast


Isniin, Maarso 14, 2016 (HOL) — Koox ka tirsan Al-Qaadada Waqooyiga Afrika ayaa ku dilay 16-qof dalka Ivory Coast, kuwaasoo ay ku jiraan afar Yurubiyaan ah, kaddib weerar ay kooxdan ku qaadday hoteel kuwa raaxada ah oo ku yaalla Koonfurta Ivory Coast.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay magaalo xeebeed lagu magacaabo Grand Bassam oo ku dhow xarunta dalkaas ee Abidjan, waxaana weerarkaan si adag u cambaareeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Bak Ki-Moon iyo xubno kale oo caalami ah.

Ururka Al-Qaacida aya sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, iyagoo xusay inuu ka mid yahay weerarro ay horay uga geysteen Dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika,  sida Mali iyo Bukino Faso.

Hoteelka la weeraray oo ah mid lagu raaxeysto ayaa wuxuu 40-km Koonfur kaga beegan yahay magaalada Abidjan, waa mid ay isugu imaan jireen ajaanibta iyo dadka kale ee dalxiisayaasha ah.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 22-qof oo kale, iyadoo tirada kooxaha weeraray hoteelkan lagu sheegay lix qof oo wajiyadu ay u qarsanayeen, inkastoo aysan weli xukuumaddu ka hadlin inay soo af-jartay weerarkaas iyo in kale.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara ayaa sheegay in la dilay kooxihii weerarka soo qaaday, iyaguna ay tiro badan oo dad ah dileen kuwo kalena dhaawaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya