4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
FAADUMO NUUR: Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah Shaqaalaha Aqalka Cad ee Mareyanka


Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Faadumo Nuur oo ah gabar Soomaaliyeed oo waddanka Mareykanka ku tagtay qoxootinimo, waxayna haatan ka mid tahay shaqaalaha Aqalka Cad ee Mareykanka, iyadoo ah kaaliyaha arrimaha siyaasadda soo-galootiga ah iyo reer miyiga golaha siyaasadda gudaha Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sheekooyin murugo leh ayay Faadumo lasoo kulantay, laakiin haatan waa mid ku faraxsan shaqadeeda, iyadoo sheegtay inay ku dhalatay magaalada Kismaayo ee Somalia. Waxaana iyada iyo qoyskeeda ay ka carareen colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay, iyagoo ku noolaa muddo kaam qoxooti oo ku yaalla meel ku dhow magaalada Mombasa ee Kenya.

Muddo kaddib, Qoyska Faadumo Nuur waxay codsadeen in gabadhooda magan-galyo iyo waxbarasho la siiyo, inkastoo go’aanku uu ahaa mid adag, ayaa haddana waxay ogaayeen in haddii gabadhood ay ka tagto aysan muddo dheer dib u arki doonin.

Go’aanka ay qaateen qoyska Faadumo ayaa sabab u noqday in gabadhooda la dajiyo dalka Denmark oo ka mid ah kuwa Yurub, halkii ay ku celin lahaayeen Somalia oo ay colaado ka socdeen xilligaas.

Intaas kaddib, Faadumo Nuur waxaa la dajiyay tuulo yar oo magacaabo Alvey oo ku taalla duleedka caasimada dalka Denmark ee Copenhagen, halkaasoo waxbasho ay ka billowday, iyadoo baratay akhriska iyo qoraalka luuqadda Danish-ka, waxay markii dambe noqotay muwaadinad Danish ah.

Faadumo ayaa xustay in horumarkii ay higsanaysay uu kala dhantaalmay, kaddib markii ay u hillowday waalidkeed iyo walaalkeed oo ay muddo dheer ku kala noolaayeen deegaanno kala duwan.

Sidoo kale, hadafkeedii ahaa inay la midowdo qoyskeeda ayaa ugu dambeyn 13 sannadood kaddib, aabbaheed wuxuu u soo diray warqad qoraal ah oo uu ugu sheegay inuu dalabkiisii qoxootinimada Mareykanka ku guuleystay.

Muddo yar kaddib, Faadumo Nuur abbaheed waxaa la dajiyay gobolka Texas ee waddanka Mareykanka, halkaasoo uu ka billaabay shaqo darawalnimo, wuxuuna billaabay qorshe ah inuu dib u mideeyo qoyskiisa, Faadumo oo ku noolayd Denmark iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa oo ku noolaa Soomaaliya.

Waxay Faadumo Nuur iyo qoyskeedu ugu dambeyn dib u midoobeen Sannadkii 2015-kii, kaddib markii ay isugu tageen dhammaantood Mareykanka. Iyadoo si rasmi ah u qaatay dhalashada Mareykanka noqdayna muwaadiniin Mareykan ah.

“Anigu waxaa dhaartay laba jeer, midii hore waxay ahayd markii aan qaadanayay sharciga Mareykanka, tii labaadna waxay ahayd markii ka mid noqoshada shaqaalaha Aqalka Cad ee dalka Mareykanka,” ayay tiri Faadumo, oo intaas ku dartay. “Dhammaan shaqaalaha Mareykanka ah oo uu Madaxweynuhu ku jiro, waxaa looga baahan yahay inay dastuurka Mareykanka ku dhaartaan si ay u shaqeeyaan, balse anigu waan ka duwanahay oo laba jeer ayaan dhaartay.

Dhanka kale, shaqada Faadumo ayaa ah inay xiriirro toos ah la sameyso qoxootiga Somalia iyo meelaha kale ka yimaada, si ay uga caawiso sidii ay bulshada Mareykanka ku dhex-geli lahaayeen. Waxayna xustay inay si aad ah ugu faraxsan tahay shaqadan, iyadoo isu haysata inay udub dhexaad u tahay dalka ay kasoo jeeddo iyo dalkeeda cusub ee Mareykanka.

“Waxaan ku dhashay Soomaaliya, waxaan ku barbaaray Denmark, balse waxaan 100% ku faraxsanahay Mareykanka,” ayay ku tiri cod aad u jilicsan, iyadoo si fiican ugu hadlaysay lahjada luuqada Ingiriisa ee Mareykanka looga hadlo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya