4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
DAAWO: Madaxweynaha Jubbaland iyo Ergayga AU-da oo ka Warbixiyay Hawl-gallada Jubbaland


Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Kulamo looga arrinsanayay hawl-gallada Al-shabaab ka dhanka ah ee ka billaaban doona deegaannada Jubbooyinka, ayaa maalmihii u dambeeyay ka socdeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulamadan oo ay lahaayeen madaxda Jubbaland, saraakiisha ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya, saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa k socda Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa shalay kusoo biiray wakiillada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya.

DAAWO: Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Francisco Madeira;

Kulamadaan oo looga tashaday sidii la isaga kaashan lahaa hawl-gallada dhanka ka ah Al-shabaab, ayaa markii ay soo dhamadeen, waxaa si wadajir ah warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii kulmmadan looga hadlay, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in muhiimada kulankoodan ay ahayd in hawl-gallada la billaabo, isla markaana wadajir la isaga kaashado dagaalanka ka dhanka ah Al-shabaab iyo xoreynta deegaannada ay Al-shabaab ka maamulaan Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya