4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2016
QM oo Baaraysa Shirkad Shidaal oo la Tuhmay inuu XIRIIR kala Dhexeeyo Kooxda Al-shabaab

Michael Howard oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Coservative-ka ama Muxaafidka dalka Ingiriiska


Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) - Warqad sir ahayd oo si hoose loo helay ayaa la sheegay in ay muujinayso in agaasimaha Bariga Afrika ee shirkadda SOMA OIL & GAS oo Hassan Khayre lagu magacaabo uu xiriir la leeyahay koox argagixiso ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida aan kasoo xiganay wargeyska the Independent ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, arintaa ayay shirkadaasi iska fogeysay oo gaashaanka u daruurtay.Sidoo kale ayaa shirkada Soma Oil and Gas waxaa lagu eedeeyay inay saraakiil Dawlada Federaalka Soomaaliya ka tirsan laaluush siisay.  

Sidoo kale ayaa QM waxay baareysaa hoggaamiye ka tirsan shirkadaa oo lagu magacaabo Michael Howard oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Coservative-ka ama Muxaafidka dalka Ingiriiska oo isna la tuhmay in ururka Al-shabaab uu xiriir la leeyahay. Eedeymahaas oo idil waa uu iska fogeeyay kambaniga Soma Oil and Gas.

 

Bishii todobaad ee kal hore ayaa Xafiiska Xattooyada Ba'an  baara ee Ingiriisku wuxuu sheegay in uu baarayo Soma Oil & Gas musuq la tuhmay inay ku kacday.

Shirkada Soma Oil & Gas ayaa waxaa la aasaasay labo sano iyo bar ka hor si ay shidaal uga baarto gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka ee
Hiiraan Online ee
Magaalada Nairobi, Kenya