4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
Siyaasiyiin soo Dhaweeyay Go'aankii dhawaan ka soo baxay Duubabka Dhaqanka Gobolka Hiiraan


Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Dhawaan shir degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ku yeesheen Ugaasyada iyo wabarrada beelaha Gobol Hiiraan ayay wadajir ugu qaadaceen shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, iyagoo dowladda Somalia ku eedeeyay inay marin habaabisay qorshaha dhismaha maamulka labada gobol.

Haddaba go'aanka duubabka dhaqanka ay ka qaateen shirka Jowhar, ayaa waxaa wadda jir u soo dhaweeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Beledweyne, oo ugu baaqay dowladda in ay aqbasho go'aanka duubabka dhaqanka.

Musharaxaha madaxweynaha maamulka labada gobol C/raxmaan Xusseen Cadoow, ayaa HOL u sheegay in go'aanka ay qaateen duubabka dhaqanka beellaha gobolka Hiiraan la oran karo waa mid wax saxaya, loogana baahan yahay dowladda dhexe in ay aqbasho go'aanka Ugaasyada iyo Wabarada oo sidda uu hadalka u dhigay haddii la qaato soo afjaraya dhamaanba muranka iyo khilaafka ka taagan dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

“Go'aanka wadda jirka ah ee ka soo baxay duubabka dhaqanka ma'aha go'aan shaqsi ah, balse waa go'aan ka tarjumaya rabitaanka bulshada, siddaa daraadeed dowladda federaalka ma'aha in ay iska dhaga-tirto soo jeedinta hogaamiyayaasha dhaqanka ee bulshada'' ayuu yiri C/raxmaan Xusseen Cadoow.

Siddoo kale, musharaxa ayaa sheegay in beesha caalamka oo sidda uu hadalka u dhigay saameyn ku leh siyaasada Soomaaliya, looga baahan yahay in ay laftirkooda qeyb ka qaataan siddii gacan loogu siin lahaa bulshada labada gobol in ay ka wadda hadlaan masiirkooda siyaasadeed iyo dhismaha maamulka, halka doorka dowladda uu noqonayo oo kaliya in ay kor kala socto wadda-tashiyada beellaha dhaxdooda ah.

''Go'aanka dhismaha maamulka waa in loo daayaa beellaha iyo bulshada labada gobol ee maamulka sameysanaya, haddi aysan taa dhicin, waxaan is leeyahay is mari-waaga siddan ayuu u sii jirayaan'' ayuu yiri C/raxmaan Xusseen Cadoow.

Dhinaca kale, xildhibaan hore C/raxmaan Macalin Ruunkey oo la hadlay HOL ayaa sheegay in gobolka Hiiraan muddo dheer go'doon siyaasadeed ku soo jirtay, siddaa daraadeed dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in ay badasho go'aankeeda siyaasadeed ee ku aadan gobolka Hiiraan.

''Dabcan go'aanka Ugaasyada iyo Wabarada waa mid wax saxaya, maxaa yeellay shirka Jowhar waxaa laga weeciyay waddadii saxda aheyd, ujeedada kaliya waa in qorshaha dhismaha maamulka labada gobol lagu soo wareejiyay duubabka dhaqanka,waana dariiqa kaliye ee wax ku dhismi karaan, maxaa yeellay doorka dowladda ma;aha in ay si toos ah u maamusho howsho dhismaha maamulka labada gobol, waa in bulshadu wadda hadasho wax ay hishiis ku yihiinna sameystaan'' ayuu yiri C/raxmaan Ruunkey.

Mar uu ka hadlayay maqaamka gobolka Hiiraan ayuu yiri'' suurtagal ma;aha in gobolka Hiiraan oo ka tirsanaa lixdii gobol ee Soomaaliya, iyo siddeedii gobol in maanta wali uu ka mid yahay 18 gobol ee Soomaaliya, dowladda waxaa looga baahan yahay in gobolka Hiiraan u ogolaato xaqa ay helleen 7 -dii gobol kale ee Soomaaliya oo min labo gobol iyo saddex gobol loo qeybiyay, waa in ay dowladda ogolaataa marka hore in gobolka Hiiraan yahay labo gobol'' ayuu yiri xildhibaan hore C/raxmaan Macalin Ruunkey.

Siddoo klae, waxaa uu ku baaqay in shirka dhismaha maamulka labada gobol loosoo wareejiyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Ugu danbeyntii, magaalada Beledweyne, waxaa ka soconayo kulamo iyo wadda -tashiyo u dhaxeeya duubabka dhaqanka beellaha iyo siyaasiyiinta ku wadda sugan magaalada, kuwaa oo dhamaantood looga arrinsanayo qorshaha maamulka loogu sameynayo labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe oo khilaaf xoog leh uu ka taagan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya