4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
Madaxweynaha Sierra Leone oo diiday in qalinka uu ku duugo Sharci Ilmaha la isaga soo Ridi karo

Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Madaxweyaha dalka Sierra Leone, Ernest Bai Koroma ayaa mar kale  diiday in uu saxiixo sharci ogolaanaya in ay haweenku iska soo ridi karaan carruurta, isagoo sheegay in tani ay u baahan tahay in loo qaado Afri Qaran.

Xildhibaannada baarlamaanka dalkaas ayaa bishii December ee sannadkii hore 2015-ka si rasmi ah u ansixiiyay sharcigan, balse madaxweyne Koroma ayaa ku gacan-sayray inuu ku duugo qalinka sharcigan, kaddib markii ay kasoo horjeesteen hoggaamiyeyaasha diimaha dalkaas.

Karoma Sierra Leone ayaa dib ugu celiyay sharcigan baarlamaanka bishii lasoo dhaafay ee sannadkan, kaddib markii uu la-tashi la sameeyay wadaaddada diimaha iyo xubnaha kale ee ku xeel-ka-dheer arrimahan.

Sharcigan ayaa wuxuu haweenka u ogolaanayaa inay ilama iska soo tuuri karaan muddo u dhexeysa 12 toddobaad illaa 24 toddobaad, gaar ahaan kuwa khasabka ku qaada uurka ama la kufsado.

Dalka Sierra Leone ayaa hadda ilmo iska soo rididdu ka tahay sharci-darro ah, xaalad kasta oo ay haweeneydu ku jirto. Balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee maxalliga ah iyo kuwa calaamiga ah sida HRW waxay madaxweynaha dalkaas, Korom u qoreen warqad ay kaga codsanayeen inuu taageeradiisa siiyo sharcigan.

“Haweenka carruurta kasoo dhacaan (Dhiciska), waa dhibaatada ugu weyn hadda haysata haweenka Sierra Leone, taasoo ku keenta haweenka dhimasho, waayo haweenka uurka leh ma heli karaan daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin,” ayaa warbixinta hay’adahani ay u gudbiyeen madaxweynaha dalkaas lagu xusay.

Sidoo kale, hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa qiyaas ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in Sierra Leone ay tahay dalka ugu badan ee ay hooyooyin u dhintaan umul-raacashada, iyadoo xustay in 100,000 oo haween ah oo sannadkii hore dhalay ay 1,360 ka mid ah umul-raacdeen.

Wariyeyaal ku sugna dalka Sierra Leone ayaa waxay soo sheegayaan in arrinta ku saabsan ilmo iska soo rididda ay tahay mid ay si weyn dalkaas looga hadal-hayo, dad badanna ay su’aalo ka keenayaan.

Madaxweyne Koroma ayaa wuxuu xildhibaannada baarlamaanka waddankiisa iyo guddiga dib u eegista dastuurka waddankaas dib ugu celiyay sharcigan, wuxuuna ka dalbaday inay waafajiyaan dastuurka iyo shuruucda Midowga Afrika u yaalla.

Hoggaamiyeyaasha diimaha Sierra Loeone ayaa iyagana u muuqda kuwo si aad ah uga soo horjeeda sharcigan, waxayna taasi keentay in madaxweynuhu uu ka baaqsado inuu saxiixo sharcigan oo lagu waday inuu qalinka ku duugo Bishii la soo dhaafay ee Jannaayo.

“Haddii ay doonayaan haweenku inay xuquuqdooda raad-sadaan waa in xarunaha ku lugta leh caafimaadka hooyada iyo dhallaanka inay ku dadaalaan sidii ay u yareyn lahaayeen dhimashada hooyada xilliga dhalmada,” sidaas waxaa qaybaha warbaahinta ugu sheegay magaalada Freetown ee xarunta Sierra Leone, Tamba Charles oo ah madaxweyne ku xigeenka ururka masxiiyiinta dalkaas ee IRCSL.

Ugu dambeyn, Sierra Leone oo ku yaalla Galbleedka Afrika ayaa waxaa la soo sheegayaa in nidaamka caafimaadka waddankaas uu yahay mid aad u liita, xilli dalkaas uu kasoo ka banayo colaado sokeeye oo muddo 10-sano ah ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya