4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Howlaha Guud oo Abaal-marin Gudoonsiiyay Shaqsi u Ololeeya Naafada

Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Waxaa Magaaladda Muqdisho lagu qabtay Munaasabad abaal-marin Qaran lagu gudoonsiiyay Maxamed Cali Faarax oo ah shaqsi u ololeeya dadka naafada ah, waxaana xafladdan soo qaban-qaabiyay golaha aqoon-yahannada ee Aragtida-Nool, waxaana ka qayb-galay wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoon-yahanno, ardayda Jaamacadaha, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale.

Abaal-marinta ayaa waxaa bixsay wasaaradda hawlaha guud iyo dib-u-dhiska xukuumadda Somalia ee uu wasiirka ka yahay, Inj. Saalax Sh. Cismaan. Xafladda ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/raxaman Xoosh Jabriil oo u mahad-celiyay wasiirka hawlaha guud iyo dib-u-dhiska oo uu xusay inuu dhiirri-geliyo dadka aadka u nugul, isagoo xusay in abaal-marinta la guddoonsiiyay Maxamed Cali ay tahay mid horseedaysa u noqonaysa inuu sii laba-laabo hawlasha uu u hayo dadka naafada ah.

“Dhammaan dadka kasoo qayb-galay munaasabadda haddii ay u istaagaan inay caawiyaan dadka naafada ah wax badan ayaa hagaagaya, marka waa inaan u sara-kacnaa sidii naafadu ay xaquuqdooda u heli lahayeen,“ ayay tiri Faadumo Cabdi Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka midowga ardayda jaamaadaha, iyadoo intaas ku dartay in loo baahan yahay in bulshada la tusiyo ama lagu wacyi-geliyo sidii dadka baahiyaha gaar ah qaba ay u heli lahaayeen xaquuqdooda.

“Qofka kasta baahi gaar ah ayuu qabaa oo qof dhameystiran ma jirto oo ALLE ka ahayd. Marka waan soo dhaweynayaa abaal-marinta Maxamed Cali Faarax uu guddoonsiiyay wasiirka hawlaha guud ee Somalia, Inj. Saalax Sh.Cismaan oo aan ku tilmaami karo wasiir ay ka go’an tahay in dadka naafada ay xuquuqdood helaan,“ ayuu yiri Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo Bulshada u soo jeediyay inay caawiyaan dadka naafada ah .

Sidoo kale, xubnihii xafladda ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka kulluumeysiga iyo kheyraadka badda, Maxamed Cumar Caymooy oo sheegay in abaal-marintan ay tahay mid qiimo badan, waayo buu yiri waa mid horseedaysa in dadka naafada ah ay helaan xuquuqdooda, isagoo wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska u mahad-celiyay.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska, Inj. Saalax Sheekh oo isagana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka abaal-marinta ay wasaaradiisu gudoonsiisay  Maxamaed Cali ay ku timid markii ay aragtay sida uu u doonayo in dadka naafada ahi helaan xuquuqdooda. Wuxuuna hoosta ka xariiqey inuu dadaal u geli doono sidii dowladda federaalka Somalia ay uga heli lahaayeen xuquuqaqhooda waajibaadka ah ee ay ku leeyihiin dadka naafada, sidoo kale wuxuu sheegey in dadaal u geli doono sidii dastuurka loogu caddeyn lahaa dhammaan xuquuqaha dadka naafada ah.

Ugu dambeyn, markii uu wasiirku guddoonsiiyay abaal-marinta Maxamaed Cali Faarax ayaa halkaas waxaa ka gadley Maxamaed Cali oo wasaarada iyo wasiirka si gaar ah ugu mahad-celiyay, isagoo xusay in abaal-marintani ay tahay mid ku dhiirri-gelineysa inuu sii laba-labo hawlaha iyo ololaha uu ugu doodayo naafada Soomaaliyeed si ay u helaan xuquuqaadkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya