4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
JABUUTI: Xaflad Murashaxnimada Madaxweyne Geelle lagu Taageeray oo lagu Qabtay Cali Sabiix


Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) — Xaflad lagu taageeray murashaxnimada madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah murashaxiinta isku soo taagay inay ka qaybgalaan doorashada madaxweynimada ee bisha Abriil ka dhici doonta Jabuut ayaa lagu qabtay Gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti.

Munaasabada oo ay ka qayb-galeen Maamulka heer degmo iyo heer gobol, qaar ka mid ah ururrada siyaasada gobolkaas iyo dadweyne aad fara badan bulshada ka tirsan, ayaa ahayd mid lagu taageerayay Geelle.

Sidoo kale, Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Cali-sabiix, Cumar Axmed Wacays oo sheegayin si weyn ay taageerayaan Geelle oo talada dalka haya, kana mid ah musharaxiina u taagan xilka Madaxweynaha Jabuuti.

Guddoomiyaha waxa intaas ku daray in munaasabadda Ujeedkeedu uu ahaa sidii ay u taageeri lahaayeen madaxweyne Geelle, isla markaan wuxuu ku tilmaamay sababaha ay u taageerayaan inuu door wanaagsan ka qaatay horumarka Jabuuti ee dhanka dhaqaalaha dib-u-dhiska iyo siyaasadda.

Ugu dambeyn, Dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in 08-da bisha soo socoto ee Abriil ay ka billaabato doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay isku soo taageen illaa lix murashax oo loolan ugu jira xilka madaxweynaha Jabuuti ee lixda sano ee soo socota.

C/qaadir Muuse Gaare
[email protected]
Magaalada Jabuuti, Djibouti