4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2016
Turkiga oo sheegay in 67 ka tirsan ururka PKK ay ku dileen Duqeeymo ay ka geysteen waqooyiga Ciraaq
Axad, Maarso 13, 2016 (HOL) —Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa duqeeyay saldhigyo ay fallaagada Kurdiyiinta ku lahaayeen waqooyiga dalka Ciraaq, weerarradaa oo ay ku dhinteen ku dhwaad 67 ka tirsan ciidamadii halkaasi ku sugnaa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha Militariga.

Weerarradan ayay ciidamadu u adeegsadeen ilaa 14 diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaa oo beegsaday xerooyin ciidan, goobaha lagu keeydiyo hubka iyo dhismayaal kale oo ay daganaayeen Xisbiga shaqaalaha Kurdiga ee PKK, kuwaa oo siweyn uga soo horjeeda dowladda Turkiga.

Saraakiil ka tirsan militariga dalka Turkiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarrada ay ku bartilmaameedsadeen shan goobood oo kala ah Qandil, Avasin, Haftanin, Metina iyo Baysan.

Ciidamada cirka dalka Turkiga ayaa waday weerarro ay la bartilmaameedsanayeen saldhigyada kooxda dowladda dalkaasi kasoo horjeeda ee PKK tan iyo bishii July ee sanaddii tegtay, xilligaa oo ay fashilmeen wadahadallo nabadeed oo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo dowladda Turkiga iyo kooxdaasi.

Dowladda Turkiga iyo qaar kamid ah wadamada ay xulufada yihiin ee reer Galbeedka ayaa Ururka PKK u aqoonsaday urur Argagixiso, haseshee kooxdan ayaa sheegatay in ay u dagaalameeyso in ay yeelato ismaamul goboleed awood leh iyo weliba in dadka Kurdidu ay helaan xuquuqdooda.

..........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.