4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
Dowladda Turkiga oo Duqeysay Xarumo Kooxda PKK ay ku leedahay Waqooyiga Fog ee CIRAAQ


Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Ciidamada Cirka ee Turkiga, ayaa Weeraray Fallaagada Kurdiyiinta PKK ee ku sugan Woqooyiga Dalka Ciraaq, Weerarka ayaa Waxaa ku dhintay ugu yaraan 67-qof, sida ay sheegeen Millateriga dalka Turkiga.

Weerarkan oo dhacay 09-kii bishan Maarso ayaa waxaa fuliyay 14 diyaaradaha dagaalka ah ee noocoodu yahay; F-16 iyo F-4. Diyaaradahan ayaa Beegsaday Saldhigyo, Hub meelo ku keydsanaa iyo dhismayaal kale uu Xisbgia Shaqaalaha Kurdiga ee PKK oo mucaarad ku ah dowladda Turkiga ku leeyahay Ciraaq.

Sidoo kale, Millateriga Turkiga ayaa sheegay in Weerarrada ku Bar-tilmaameedsadeen Shan Goobood oo kala ah; Qandil, Metina, Avasin, Haftanin iyo Baysan.

Ciidamada Cirka Turkiga ayaa Weerarro ku qaadayey goobaha uu ururka PKK kaga sugan yahay woqooyiga waddanka Ciraaqa ilaa bishii July, xiligaas oo ah markii uu guul-dareystay dadaalkii nabadeed ee u dhexeeyey dawladda iyo falaagada.

Xukuumadda Turkiga iyo Xulufadeeda Reer Galbeedka ayaa ururka PKK u Aqoonsan urur Argagixiso. Kooxdan ayaa sheegtay inay u dagaallamayso ismaamul hoosaas balaaran iyo in dadka Kurdiga ah la siiyo xuquuqo dheeraad ah.

XIGASHO: VOASOMALI