4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ka bilaaban doona Jubooyinka iyo madax ka socotay Ururrada EU iyo AU oo Kismaayo gaaray [Sawirro]


Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Xilli mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo ay ka soconayeen shirar ay lahaayeen madaxda Jubaland, iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubooyinka islamarkaana uu qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, kuwaa oo looga arinsanayay howlgalka loogu magacdaray webiga Jubba ee la filayo in uu dhawaan biloowdo ayaa waxaa maanta magaalada Kismaayo soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone iyo weliba w

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Francisco Madeira, waxaana ujeedada imaatinka wufuuddan ay qeyb ka tahay howlgallada la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaanada ay uga suganyihiin Jubaland.

Masuuliyiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeennada Jubaland, xubno ka tirsan labada gole ee maamulkaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubaland ee ku sugan Kismaayo.

Soo dhaweyn ka dib waxaa madaxdani loo gelbiyay guriga martida oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).

Masuuliyiintan ayaa ka gaabsaday in ay warbaahinta
faahfaahin ka siiyaan ujeedada imaatinkooda, haseyeeshee wararka qaar oo ay shabakadda HOL heshay ayaa tibaaxaya in  arimaha ugu muhiimsan ee ay u yimaadeen ay tahay howlgallada ka bilaaban doona deegaanada Jubooyinka, kuwaa oo la qorsheeynayo in Al-shabaab looga saaro gabi ahaanba sedexda gobolka ee Jubaland.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgallada AMISOM ayaa maalmihii u danbeeyay diyaar garoow xooggan ugu jiray howlgallada ka bilaaban doona deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.