4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
SAWIRRO: Maareeyaha Cusub ee Dekedda Kismaayo oo Maanta si Rasmi ah Xilka ula Wareegay
Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Munaasibad ka dhacday dekedda magaalada Kismaayo islamarkaana ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa waxaa maanta si rasmi ah shaqada maareeyaha dekedda ula wareegay Axmed Xaaji Aadan oo dhawaan wareegto kasoo baxday wasaaradda gaadiidka Jubaland loogu magacaabay maareeyaha dekedda Kismaayo.

Munaasibadda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/laahi Xaaji Max'uud (Lugadheere), wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Jubaland C/nuur Cali Aadan, wasiirka maaliyadda Ibraahim Cabdi Xasan, gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin iyo masuuliyiin kale.

Mudane C/nuur Cali Aadan wasiirka warfaafinta, boostada isgaarsiinta iyo gaadiidka oo ugu horey madasha ka hadlay ayaa sheeegay in ujeedada munaasibadda ay tahay in xilka uu si rasmi ah ula wareego maareeyaha cusub islamarkaana ay isbartaan laamaha kale  ee howlwadeennada dekedda Kismaayo.

Maareeyaha cusub ee dekedda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay masuuliyadda loo igmaday, isagoo u mahadceliyay maareeyihii hore ee dekedda Kismaayo C/laahi Dhubad Shiil oo uu ku amaanay in uu wax badan qabtay mudadii uu xilka hayay.

Ugu danbeyn, madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud (Luga-dheere) ayaa ku boorriyay Maareeyaha cusub ee Dekedda Kismaayo in uu xilkiisa u guto si daaacadnimo leh islamarkaana ilaaliyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya