4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
BAYDHABO: Maxkamadda Ciidamada oo Maanta Xukuntay dad ku eedeysan Qaraxyadii Baydhabo


Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Somalia, ayaa maanta Xukunno ku Ridday lix ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen Qaraxyadii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Degmada Baydhabo oo Sababay Geerida dad fara badan.

Eedeysanayaashan oo toddoba ruux ahaa ayaa Shan ka mid ah lagu xukumay Dil Toogasho ah, kaddib markii Maxkamaddu ay sheegtay inay ku caddaadeen dambiyadii lagu soo oogay oo ahaa inay ka dambeeyeen Qaraxyadii Baydhabo.

Sidoo kale, Maxkamaddu Waxay Xabsi Saddex sano ah ku Xukuntay hal ruux, halka Ruux kalena ay Amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo, markii lagu waayay Dambigii lagu soo eedeeyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida; Col. Xasan Nuur Maxamed (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda Ciidamadu maanta ku ridday eedeysanayasha oo midkood uu maxkamadda ka maqnaa. 

“Maxkamada markay u cadaatay in eedeysanayaasha kala ah; Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdul-Ladiif Macallin Aadan Macallin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax, Shar-mad Aawoow Maxamed iyo C/rashiid Ibraahim Xasan oo maxkamadda ka maqan ay dambiyadii lagu soo oogay ku caddaadeen oo ahaa inay soo Abaabuleen, Fuliyeenna Qaraxyadii 28-kii bishii hore ka dhacay Baydhabo ee ay dadka badan ku dhinteen, waxayna maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho,” ayuu yiri Col. Xasan Shuute.

Isagoo sii hadlay, ayuu Guddoomiyuhu sheegay in Maxkamaddu ku xukuntay xabsi Saddex sanadood ah, C/qaadir Cali Maxamed oo ay ku cadaatay inuu weerarradii Baydhabo ku lug lahaa. Wuxuuna xusay in maxkamadu ay amar ku bixisay in xabsiga laga daayo, C/raxmaan Macallin Aadan oo lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn, Weerarradii Maanta loo xukumay lixdaan qof ayaa ayaa bishii lasoo dhaafay ka dhacay Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kuwaasoo ay ku Dhinteen ku dhawaad 40-ruux, ayna ku dhaawacmeen 60-ruux oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya