4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
C/WELI GAAS: Somalia dan uguma jirto Ciidamada AMISOM ee Soomaalidu ha Tashato (SAWIRRO)

Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihaan ku sugnaa Dalka Maraykanka ayaa xalay kumannaan Soomaali ah kula kulmay Xarunta Shirarka ee Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay Bulshada Soomaaliyeed sida; Culummada, odayaasha, Waxgaradka, haweenka iyo Arday, waxaana si weyn loogu soo dhaweynayay ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas, Wuxuuna khudbadii uu ka jeediyay uga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; socdaalkiisa Maraykanka, go’aankaii ay Puntland ku qaadacday Nidaamka 4.5-ka  iyo Qodobbo kale.

Sidoo kale, wuxuu u soo bandhigay Qurba-joogta Soomaaliyeed inay maal-gashadaan Guud ahaan Soomaaliya. Wixii maamulkiisu qabatay iyo waxa ay doonayaan inay qabataan, sidoo kale Gaas ayaa ka Hadlay sida Qurba-joogta Soomaaliyeed ay uga Qayb-qaadan karaan dib u dhiska dalka.

DAAWO: Muuqaallada Xafladdii Soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ee MN;

C/weli Gaas ayaa soo Hadal-qaaday in Shacabkii soo doortay aysan ogolayn 4.5-ka. Sidaas daraadeedna, uusan isagu xaq inuu u qaado Shacabkiisa wax aysan Raalli ka ahayn. Isagoo yiri. “Kuma ayaan ahay, markaan u soo qaadayo dadkaygii i doortay wax aysan ogolayn?”

Intaas kuma ekayn, ee wuxuu Madaxweynaha Puntland wuxuu mar kale soo hadal-qaaday Joogitaanka Ciidamada AMISOM ee dalka Somalia, isagoo xusay inaysan Soomaaliya wax dan ah ugu jirin joogitaanka ciidamadaas. Isagoo ku boorriyay Shacabka Soomaaliyeed inay iyagu isku tashadaan.

Dhanka kale, Imaanshaha Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Dalka Mareykanka ayaa si wayn looga sugayay, gaar ahaan magaalooyinkan maatanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul. Saddexdii Casho ee Madaxweyne C/weli Gaas uu joogay Minneapolis ayuu Booqday dhawr meelood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; College-ka Minneapolis Community and Technical College; halkaasoo uu ka jeediyay khudbo ku Aaddan Muhiimada Waxbarashadu ay leedahay, iskuulka hoose/dhexe ee International School,  Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota iyo meela kale oo badan.

Ugu dambeyn, Madaxweyne C/weli Gaas ayaa muddo badan ku Noolaa Maraykanka, kuna dhamaystay waxbarashadiisa illaa heerka PhD-ga; waana markii ugu horreysay oo uu kusoo noqonayo Maraykanka illaa markii loo doortay Madaxweynaha Puntland. 

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota