4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
Dalalka ku bahoobay ururka EAC-da ee bulshada Bariga Afrika oo Sameystay Baasaboor Gaar u ah


Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC, ayaa sameystay Baasaboor cusub oo Mideynaya qaar ka mid ah Dalalka Bariga Afrika, kaasoo si xor ah ay bulshada dalalkan ugu tegi karaan dalalka ku jira ururkan.

Kulan ay toddobaadkii hore uu ku yeeshay ku Ururka EAC Magaalada Arusha ee Tanzania ayay xoogga ku saareen laba qodob oo ay u arkeen inay muhiin yihiin; kuwaasoo kala ah in dalka Koonfurta Suudaan si buuxdo loo siiyo Xubinnimada Ururka iyo in ururka uu yeesho baasaboor mid ah oo la isaga kala gooshi kara Waddamada Bariga Afrika.

Muddo Sannado ah ayay shacabka dalalka Kenya, Rwanda, Uganda, Burundi iyo Tanzania waxay isugu safrayeen dukumiintiyo socdaal oo mideysan; taasoo u ogolaanaysay in si xad la’aan ah ay dadka isaga kala gooshaan gobolka.

Laakiin, Baasaboorka cusub oo si rasmi ah ay shacabku u qaadan doonaan bisha Jannaayo ee Sannadka soo socda 2017-ka, taasoo u ogolaanaysa bulshada dalalka Bariga Afrika inay is-dhax-galaan oo ay noqdaan Bulsho aan xad kala xirta lahayn, waxayna awoodi doonaan in ay Adduunyada oo dhan ugu Socdaali karaan Baasaboorkaan. waxaana Baasaboorkan la sheegay inuu yahay mid aan la been-abuuri karin oo Electronic ah, sidoo kale wuxuu wataa qalab u eg sida Sim­card­ka telefoonnada oo dhexda ugu jira.

Dhanka kale, ururka EAC ee bulshada Bariga Afrika ayaa Wuxuu isla meel-marin doonaan si bulshada ay isku-dhex-geli lahaayeen, ruux walba oo qaata baasaboorkaanna uu si xor ah ugu noolaan karo dalkii uu doono oo ka mid ah dalalka ku jiro Ururkaan.

Ugu dameyn, Soomaaliya ayaa ku jirin Ururkaan, Sababtoo ah waxay ka baqayaan dalalka ku mideysan in haddii Xilligaan ay kusoo biirto Somalia ay uga imaan karto khatar dhinaca ammaanka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya