4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2016
Kenya oo sheegtay in ay doonayso in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab laga saaro Dalkeeda

/images/2016/Mar/2016312635933607692792266Qoxootiga_Soomaaliyeed_Dhadhaab_Kenya_6666.jpg
Sabti, Maarso 12, 2016 (HOL) — Xukuumadda Kenya oo tan iyo sannadkii 1991-kii ay ku noolaayeen nus-malyuun Qoxooti Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u sheegtay inay doonayso in qoxootigu ku nool xeryahaha Dhadhaab-Kenya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan dalkeeda.

Isku-duwaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay in xeryaha Dhadhaab ay lu noolaayeen muddo 25-sano ah qoxoogi ka  soo cararay Somalia, kuwaasoo haatan tiradoodu tahay 35,000 oo qof.

“Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya waxay culeys ku hayeen wadanka muddo fog, waxayna dhibaato u geysteen deegaanka, iyagoo intaas ku darsaday inay qayb ku yeesheen ammaan-xumada dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud Saalax.

Sidoo kale, Saalax ayaa intaas ku daray. “Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab waa halka ay ku Tarmaan unugyada Argagaxisada Al-shabaab. Waana meel ay ka jiraan Lacagaha la dhaqo, daroogada iyo ka ganacsiga dadka.”

Wuxuu isku-duwaha ayaa hadalkiisa ku daray in xeryaha Dhadhaab ay tahay halkii laga soo abaabulay weerarradii Westgate Mall, Jaamacadda Gaarisa iyo kuwo kale oo ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo uu xusay in lagu dilay Kenyaan fara badan.

“Soomaaliya 80% haatan waa nabad… mana aragno sabab ay qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ay ugu guuri la’yihiin goobahaas nabadoon,” ayuu mar kale Maxamuud Saalax yiri.

Dhanka kale, Madaxa Wafdi Haya’da UNHCR ka socda oo booqday xeryahaha Dhadhaab, Axmed Baba ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan Kaabayaashii Bulshada oo ay ka mid yihiin; biyo, waxbarasho, caafimaad iyo weliba ammaan la isku halleyn karo.

“Waxaan qabnaa in dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ay noqoto mid iyagu ay si iskood ah u doortaan, balse aysan noqon mid lagu cadaadiyo,” ayuu yiri Baba oo intaa ku daray in Qoxootiga ay yihiin kuwo u unug dhibaatooyinka.

Ugu dambeyn, Hadalkaan Mas’uuliyiinta Kenya ee ah inay dalkooda ka baxaan ayaa kusoo Beegmaya xilli horay ay Heshiis dib u celinta Qoxootiga Soomaalida ah ay u kala Saxiixdeen Xukuumadaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya