4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2016
Kenya oo Weeraro Argagixiso Lagu Dilay 900 oo Qof Tan iyo Sanadkii 2000

Agaasimaha Xarunta Ka Hortagga Argagixisonimada ee Kenya, Martin Kimani 


Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL)-Hadal kasoo baxay Xarunta Ka Hortagga Argagixisonimada ee Kenya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 900 oo qof ay kunaf waayeen weerarada argagixisada tan iyo bilowgii qarnigaan ee sanadku markuu ahaa  2000.

16kii sano ee lasoo dhaafay ayaa dadkaasi badidood lagu dilay weeraro argagixiso gudaha Kenya. Intaa ayaa waxaa dheer in 6,200 oo kale oo qof weeraradaa ay ku dhaawacmeen weliba marka lagu daro weerarkii safaarada Mareykanka ee Kenya lagu qaaday sanadkii 1998.

Agaasimaha Xarunta Ka Hortagga Argagixisonimada ee Kenya, Martin Kimani  ayaa sheegay in weeraradaa badankood lala xiriiriyay kooxda Alshabaab ee kajirta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee weeraradaa ayaa kordhay sanadkii 2011-ka markii ciidamada Kenya loo diray Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Alshabaab. Guud ahaan caalamka weerarada argagixisada ayaa sanadihii 2013 ilaa 2014 waxaa ku dhintay ilaa 30 kun oo qof.

 

Xafiiska Wararka
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.