4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
Duqa Degmada Beledweyne oo Maanta Kormeer ku tagay Waddooyin la Hir-galinayo (SAWIRRO)

Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Duqa Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow, ayaa maanta kormeeray dhismaha saddex waddo oo isku xiri doonna degmada Baladweyne iyo Deegaannada kale ee ku yaalla dhanka Waqooyi ee Gobolka Hiiraan.

Dhismaha Waddooyinkan oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka degmada Beledweyne, hay'addo maxli ah iyo dadka deegaanka, iyaga oo sheegay in inta dhiman la kaashanayaan in ay gacan ka geystaan Jaaliyadaha ka soo jeedda gobolka ee dalka dibadiisa ku nool.

Xasan Nuur Barre oo ah madaxa iskaashaatada beeraleyda gobolka Hiiraan ayaa HOL u sheegay jidadkan noqon doonaan kuwa isku xirri magaalada iyo deegaannada dhaca W/qooyiga gobolka Hiiraan, gaar ahaan deefoow iyo Jeereey oo sidda uu sheegay ah dhul ku wanaagsan tacbashada beeraha.

Wuxuu intaa ku daray in beerleyda gobolka Hiiraan gacan weyn ka geysanayaan dhismaha jidadka, isaga oo ugu baaqay Jaaliyadaha dibada in ay ka qeyb-qaataan dhameystirka saddexdan waddo oo muhiim u ah isku socodka gadiidka iyo dadka isaga kala goosha labada dhinac.

Duqa Degmada Beledweyne, Cumar Aadan Baadiyow ayaa sheegay in hay'adaha caalamiga ah looga baahan yahay inay caawiyaan dadka iskood isku xil-qaamay oo sidda uu hadalka u dhigay ka shaqeynaya hagaajinta goobaha muhiimka u ah adeega bulshada.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horeysay oo dadka deegaanka iskood siddan oo kale ugu dhaqaaqaan wax ka qabashada goobaha danta guud oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka oo muddo dheer aan helin wax dayactir ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya