4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
SOMALILAND: Gobolka Saaxil oo laga Billaabayo Berri Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha (Sawiro)

Jimco, Ogoosto 28, 2015 (HOL) — Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyey in maalinta Barri ee Sabtidda si rasmiya uga bilaabmi doonto Diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Saaxil, Gabiley iyo Balligubadle.

Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in la israaciyey oo mar ka wada bilaabmi doonto gobolka Saaxil, degmada Gabiley iyo Degmadda Balligubadle ee iyagu hoos yimaada gobolka Maroodi jeex.

Ugu horreyn, Guddoomiyah Guddida doorashooyinka Qaranka Cabdiqaadir Iimaan oo munaasibadda lagu daahfureyey ka hadlayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “gudoomiyeyaasha sadexda xisbi qaran, dadweynaha ka soo qaybgalay xafladan lagu daahfurayo diiwaangalintan ka bilaabmaysa gobolka Saaxil, ururada naafadda, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, maayarka magaaladda Berbera, iyo marti sharaf kale waxaan ku soo salamaya salaanta islaamka”.

Waxaanu intaas ku daray. “Gobolkani waa kii  sadexaad, waxa marayna boqolkiiba konton inay inaga dhamaadeen marka eegno inta inoo hadhay iyo inta dhamaynay  iyo wakhtiga inoo hadhay oo ah saddex bilood, magaaladda Berbera waa magaalo xeebeed waa magaalo ilbaxa iyo xadaarada ayaanu joogna, waxan doonaya inaad si weyn ugu soo baxdaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha maalinta sabtidda ee bisha march 12-keedda, waxaan ilaahay ka rajaynaya in sidii labadii goboladda kale ee ilaahay guul inoogu soo dhameeyey inuu gobolkani guul inoogu soo dhamaado, diiwaangelintu waa furaha doorasho xor oo xalaal ahi ku dhacdo waa bilaash tuulooyinkiin la idinku keenay, waa inaad in badan tijaabiya”.

Kaltuum Sh. Xasan Cabdi oo ka mid ah guddida doorashooyinka ayaa iyaduna sharaxday tirada goobaha iyo sida u kala soconayso, waxaanay tidhi “ gobolka Saaxil waxay ka bilaabmaysa Afar iyo sideetan goobood, waxay ka socon doonta 28 maalmood oo kala duw duwan, tusaale ahaan magaalada Berbera dhexdeedda marka hore 14 maalmood oo xidhiidh ah oo qofku wuxu kala dooran doona goob ilaa sadex goobood oo isku dhow dhow oo uu hadhow ku codeyn karo, maadama oo imika badinay laakin hadhow marka doorashadda way ka yaraan doonta goobahan, tusaale ahaan degmada Berbera gudadeeda waa toban goobood , hadhow halka ka codeynaya sadexda goobood waxaanu ka soo reebi doona hal goob oo qofku ka codeyn karo,”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlayey diwaangelinta iyo siday u socoto waxa uu yidhi “Diiwaanglinta waa markii labaad oo hore waxay inagaga xumaatay laba jeer oo kala ahaa 2008 iyo 2009-kii, waana ku khasaarnay waxaana ku tallogalnay in nidaamkaasi faro xumayno oo qofkii dhawr jeer ku noq noqday, haseyeeshee, nidaamkan cusub wuu ka duwan yahay oo qofku kuma soo noq noqon karo inagoo dib u saxayn khaladkeenii hore, inkastoo imika ay jiraan khaladaad ah in xisbiyaddii diiwaangelintii dhexgaliyaan olole doorasho taasna waxay halis galin karta nabadgalyaddii oo ah waxa kaliya ee inoo hadhay, caalmaku aad buu uga jeeda waxa inagu hadhay oo qudha waa qodobka nabdgalyo”.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waayo aragnimo la’aan ku tilmaamay labadda gudoomiye ee WADANI iyo KULMIYE, waxaanu yidhi  “waxa saaxadada ku soo biiray laba gudoomye oo layli ah, waxaan leenahay barigii aan anigu la ordi jirin gudoomiyihii kulmiye  Axmed SIilanayo iyo Rayaale sidaas ayaan u or ordi jiray shanti sanno oo fardo ayaa la igu soo dhoweyn jiray oo iyagu meel uun bay ii fadhi jireen, ciyaari waa galinka dambe ee  idinkuna ha is rubad goynina”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, kuwaas oo soo dhoweeyey bilowga diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Dhinaca kale, waxa iyaguna Hargeysa warbaahinta kula hadlay afhayeenka guddida doorashooyinka Siciid Cali Muuse oo shaaciyey in Gabiley iyo Balligubadlaba la raaciyey gobolka Saaxil, maadaama oo gobolka Maroodi jeex yahay mid balaadhan.

“Gobolka Maroodi jeex iyo dadka degan iyo goobaha ay ka bilaabmi doonto waxa weeyi Gabiley iyo Balligubadle, waxaana dadka reer maroodi jeex ogaysiino sida la iskugu diiweaangelinlahaa labadaasi gobol oo gobol ahaan ka horeyna gobolada kale”.

Sidoo kale, waxa iyaguna soo dhoweeyey wakiiladdii ka kala socotay xisbiyada qaranka iyo ururadda bulshadda, kuwaas oo sheegay inay ku fulinayaan amaawiirta ka soo baxday guddida doorashooyinka.

Gobolka Maroodi jeex oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan Somaliland, taasina waxay keentay in dhawr qaybood loo qaybiyo, oo degmooyinka qaarkood sida Gabiley iyo Balligubadle la raaciyo gobolka Saaxil si ay fududaato diiwaangelinta degmooyinka kale ee hoos yimaadda gobolka Maroodi jeex.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland