4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
SAWIRRO: Shirkii Golaha Wasiirrada Puntland oo looga Hadlay Arrimaha Amniga iyo Abaaraha

Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL) — Shirka Gollaha Wasiirrada Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cum ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga Iyo Abaaraha Puntalnd ka taagan.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa warbixin ka dhagastay Wasiirka Amniga, waxayna intaas kaddib walaac ka muujiyeen, doontii hubka siday ee la qabtay iyo halista ka imaan-karta hubka soo galaya Somalia waqtigaan.

Sidoo kale, Wasiirrada Puntland ayaa ka warbixiyay abaaraha ka jira Puntalnd oo ay ku sheegen in 65% ay dhulka Puntland saameyn baahsan ku yeelatay.

Dhinaca kale, Shirka Wasiirrada waxaa lagu sheegay in dayactir lugu sameeyay 11-ceel oo ku yaalla deegannada Seemade, Xubays, Bur-saalax, Balli-busle, Ceel-gaal, Sin-u-jiif, Ganbarre, Afuruur, Baraagaaha-qol, Dhiganle iyo Dhahar.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Inj. C/xakiin Camey ayaa Hay’adaha Samafalka ee ka hawl-gala Puntland ugu baaqay inay xoojiyaan caawinta dadka iyo duunyada ay abaaraha ku dhufatay Puntland ay waxyeelladu u geysatay.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya