4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
Sarkaal ka Tirsan Al-shabaab oo Been Abuur ku Sheegay in Duqeyntii Xerada Raaso lagu DILAY


Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL) — Mid ka mid ah Saraakiisha Sar-sare ee Al-shabaab ayaa beeniyay hadalkii Xukuuadda Somalia ay ku sheegtay in lagu dilay duqeyn uu Mareykanku dhawaan u geystay saldhiga Raaso Al-shabaab ay ku leedahay bartamaha Somalia, duqeyn-taasoo uu Mareykanku sheegay inay ku dileen 150 ruux oo ka tirsan Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Mire oo ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Al-shabaab ayaa sheegay inaan lagu dilin duqeyntaas uuna nool yahay, iyadoo uu Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, C/casiis Duuroow uu sheegay inuu ka mid ahaa Maxamed Mire saraakiishii lagu dilay duqeyntii saldhigga Raaso.

“Anigu weli waan noolahay... Waana mid been ah sheegashada Cadowga ah ee ah in la igu dilay Duqeyntii Saldhigga Raaso,” ayuu Maxamed Mire ku sheegay Hadal uu u jeedinayay shacab isugu soo baxay mid ka mid ah Deegaannada ay Maamusho Al-shabaab.

Waxaa kaloo sarkaalku uu ku xusay warbixin uu siiyay saxaafada Al-shabaab in Dowladda Somalia ay caado ka dhigatay inay baahisi Warbixinno Mujaahidiinta looga soo Hor-jeedo, taasoo uu sheegay inay tahay mid been abuur ah oo ay ka dhigteen caado.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan iyadu wax War ah kasoo saarin hadalka sarkaalkaan uu ku Sheegay in aan lagu Dilin Duqeyntii Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Mareykanku ay dhawaan ka geysteen Bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Al-shabaab oo qiratay in la duqeeyay Saldhigooda Raaso ayaa ku Tilmaamay Tirada lagu Dilay Duqeyntaas ee uu Mareykanku Sheegay mid laga Bad-badiyay, Inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada looga dilay duqeyntaas.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa Duqeymo uu uga Geystay Soomaaliya ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu ku jiray Hoggaamiyihii kooxda, Axmed Cabdi Godane oo Horraantii Bishii September ee Sannadkii 2014-kii lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya