4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
Xiisad ka taagan deegaano u dhexeeya Degmada Buuhoodle iyo Magaalada Laascaanood (Sawiro)


Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL) — Xiisad colaadeed ayaa ka aloosan deegaano u dhexeeya Magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, kaddib markii Ciidan ka tirsan Somaliland ay fariisin ka Samaysteen deegaanno u dhexeeya Tuulooyinka Ceegaag iyo Hor-u-fadhi.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisaddan kiciyay Xildhibaanno ka Tirsan Dawladda Federaalka Somalia oo Maalinnimadii dorraad Safar ku tagay Tuullada Ceegaag oo Hillaadda 100-KM Waqooyi Galbeed kaga aaddan degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

C/kariin Cali Abokor oo ka tirsan Ganacsatada Deegaanka Ceegaag ayaa HOL u xaqiijiyay in Ciidammo badani ay soo gaareen Magaalada, Wuxuuna intaas ku daray inay u dhaafeen Dhinaca Hor-u-fadhi, in aanay wax dhib ah Gaarsiin Deegaanka, marka laga reebo cabsi ku aadddan in dagaal uu ka dhaco.

 

Sidoo kale, Dhinaca deegaanka Hor-u-fadhi ayaa Wararka ka imaanaya waxay sheegayaan inay soo gaareen Ciidammo wata Gaadiid dagaalka oo Magaalada Buuhoodle ka yiid, si ay uga hor-tagaan ciidamada Somaliland.

"Ciidamadani waxay noo dhaafeen dhinaca Deegaanka Ceegaag, Waxaana Cabsi Xooggan laga qabaa in isku-dhac Dagaal uu ka dhaco, Deegaankaasna Waxaa Xilligaan ay ku sugan Kumannaan Qoys oo reer guuraa ah, Abaarana deegaanadoodii ka kiciyeen,” ayuu yiri Cali C/llaahi oo ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Hor-u-fadhi oo Buuhoodle 50-km kaga beegan dhinaca Waqooyi-bari.

Dhanka kale, Xildhibaanadda Xiisadani ka billaabatay oo Maalmihii lasoo dhaafay Safarro ku marayay deegaanno ka tirsan Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle iyagoo si nabad ah ugu laabtay Magaalada Buuhoodle.

 

Ugu dambeyn, Xiisadan ayaa laga cabsi-qabaan inay dhibaatooyin gaarsiiso dad deegaanno badan ay Abaaro kasoo kiciyeen, iyadoo aysan jirin cid isku Hawlaysa sidii loo hakin lahaa xiisadahaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool