4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
RW Itoobiya oo Raali-gelin ka bixiyay dadkii ku Geeriyooday Rabshadihii ka Dhacay ITOOBIYA


Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL) — RW dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa Raalli-gelin ka bixiyay dadkii lagu dilay rabshadihii gobolka Oromo ka dhacay, kaddib markii uu iska-horimaadyo dhexmaray ciidanka Amniga Itoobiya iyo dibad-baxayaal diidanaa qorshe ay xukuumadda ku ballaarinaysay Addis Ababa.

Hailemariam Desalegn, oo khudbad ka jeedinayay shalay baarlamanka dalka Itoobiya ayaa xusay in dadkii ka dambeeyay rabshadahaas ay ahaayeen kooxo Nabad-diid ah, Laakiin ma uusan sheegin Magaca Nabad-diidkaas.

Sidoo kale, Desalegn ayaa sheegay in looga baahan yahay xukuumadda inay si wanaagsan u dhageysto Cabashooyinka dadka ay dhibaatooyinku kasoo gaareen rabshadihii ka dhacay gobolka Oromo.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, Waxaa Gobolka Oromo ee Dalka Itoobiya ka Dhacayay rabshado la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 200-qof, balse xukuumadda Addis Ababa ayaa diidday tirada la sheegay inay ku dhinteen.

Xukuumadda Itoobiya ayaa xilli dambe ka laabatay qorshihii ay doonaysay inay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ku ballaariso, inkastoo ay xustay inay Qorshahaas muddo aanay cayimin ay dib u laabanayso.

Gobolka Oromo, ayaa ah kan ugu ballaaran uguna dadka badan Itoobiya, iyadoo ay ku nool lagu sheego saddex meelood - laba meelood shacabka guud ee Itoobiya, waxaana shacabka gobolkaas ku nool ay ku tilmaameen qorshaha ay dowladdu wadato mid siyaasadeed.

Hailemariam, ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Dalka Itoobiya u sheegay in kooxihii ka dambeeyay Rabshadahaas ay bururiyeen hanti dowladda iyo mid gaar loo leeyahay, isagoo intaa ku daray inay ka tacsiyeynayaan dadkii Rayidka ahaa ee intii ay socdeen rabshadhaas la dilay.

Laakiin, Farriin Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya lasoo dhigay ayaa lagu sheegay in RW Itoobiya uu Natiijada Rabshadihii ka dhacay Gobolka Oroma ay ahayd mid ka dhalatay shaqo la’aanta ka jirta Gobolkaas, ayna Xukuumaddu wax ka Qaban doonto.

Ugu dambeyn, RW Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay wax ka qabato Kooxaha rabshadaha wada, Wuxuuna si gaar ah Xusay Rabshadihii ka dhacay gobolka Oromo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya