4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2016
Biyo la'aan ba'an oo laga soo sheegayo Degmada QORYOOLEEY ee Gobolka Shabeellada Hoose


Jimco, Maarso 11, 2016 (HOL) - Wabiga Shabeelle oo Biyo-yareeyay Awgeed, ayaa waxay sababtay inay biyo-yaraan ka dhacdo degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoryooley ayaa aad ugu tiirsan biyaha wabigaa sidaa daraadeedna maadaama uu haatan wabigu biyo yareeyay ayaa waxaa jirta in qiimaha biyuhu sare u kacay oo haatan ayaa fuustadii mareysaa Sosh100 kun oo ah qiime aysan markii hore joogin.

Roobabkii oo xilliyo badan baaqday ayaa meelo badan oo webigaasi soo maro waxaa ka dhacay abaaro ba'an iyo biyo yaraan kadib markii webigiina biyo yareeyay. Meelaha webiga Shabeelle  soo maro ee biyo yaraantu ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Baladweyne.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Itoobiya oo ah dhanka uu ka yimaado webigaasi laga hirgaliyay beero waaweyn oo aseendooyin ah kuwaasoo loo leexiyay biyo aad u badan oo biyaha wabigaa Shabelle ah taasoo qeyb ka noqotay sababaha keenay in biyaha webigaasi dhanka Soomaaliya ay yaraadaan.

Waxaa lasoo sheegayaa in xoolo badan ay oon ugu dhintaan degmadaasi Qoryooley. Ceel biyood matoor biyaha lagu soo saari jiray oo Qoryooley u dhaw ayaa waxaa la sheegay in asna uu jabay aana la dayac tirin weli.

Ammaan xumo ka dhalatay colaado dhawaan halkaa ku dhex maray dawlada iyo Al-shabaab ayaa dhibaato iyana u keenay degmadaasi Qoryooley taasoo keentay inaan matoorka ceel biyoodkaas weli la dayac tirin.

Meelo kale oo abaarta haatan jirta SOOMAALIYA ay biyo yari ku keentay ayaa waxaa ka mid ah Leego oo isla gobolkaa Shabellah Hoose ka tirsan iyo degmada Wajid ee Gobolka Bakool.

Xafiiska Wararka
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.