4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
SAWIRRO: Maroodi 30-jir ah oo ku soo Laabtay Somalia Markii ugu horreysay Muddo 20-sano ah

Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Maroodi 30-jir ah oo magaciisa lagu sheegay Morgan ayaa dib ugu soo laabtay Somalia, markii ugu horreysay muddo 20-sano, kaddib markii uu soo lugeeyay masaafo kumannaan kiiloo-mitir ah oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixintan oo ay daabacday Wakaaladda Wararka AFP, ayaa lagu sheegay in Morgan uu Bishii December ee Sannadkii hore ku sugnaa Deegaanka Xeebta Kenya ku yaalla ee Tana River Delta, Laakiinse uu bartamihii bishii Feberaayo ee sannadkan uu soo billaabay socod isagoo ku wajahan Soomaaliya, isagoo xadka kasoo tallaabay saddex toddobaad kaddib.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay arkeen Maroodigan oo deegaanno uu muddo hore joogi jiray ku lugeynaya, deegaanadaasoo uu 20-sano ka maqnaa, kaddib markii ay ka dillaaceen Soomaaliya colaado sokeeye.

“Wuxuu u muuqday mid Maskaxdiisa ay ku jiraan xusuus ku aaddan deegaannadii uu joogi jiray,” ayuu Iain Douglas-Hamilton oo ka mid ah dadka Maroodiga ku Xanaaneeya Kenya.

Sidoo kale, Maroodigaan ayaa la sheegayaa inuu Masaafo aad u sarreysa ku socday, tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay xeebaha Kenya ee uu ku noolaa jaray masaafo dhuleed oo dhan 20-km, isagoo Maalintii xigtay ka tallaabay deegaan kaymo badan oo isla Kenya ku yaalla, isagoo u soo socday Soomaaliya muddo 18-maalmood ah.

“Maroodigu wuxuu aaday meel khatar ah oo xayawaanku aysan xilligan awoodi karin inay ku noolaadaan,” ayuu yiri Douglas-Hamilton, oo Hadalkiisa ku daray in Margan uu haatan ku sugan yahay Koonfurta Soomaaliya.

Douglas-Hamilton ayaa Xusay inay jiraan kooxo ugaasda Maroodiyada si ay u dilaan oo ay faananka uga baxsadaan, iyagoo 1-kg ku helaya lacag dhan 1,100 doollarka Mareykanka ah oo u dhiganta 1,000 Euro.

Warbixinta ayaa lagu xusay inuu Morgan safarkiisii uu ugu soo ambabaxay Soomaaliya uu dhameystay kaddib markii uu socday masaafo aad u dheer, isagoo xilligaan ku sugan yahay Gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Maroodigaan lagu Magacaabo Morgan ayaa ku dhashay Koonfurta Somalia intii aan xukunka laga tuurin xukuumaddii millateriga; iyadoo Xilligaas ay xayawaankii ku noolaa Soomaaliya colaadaha awgood uga carareen dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya