4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
CIRRO: Waxaan Maanta Cadeynayaa in Murankii Noo Dhexeeyay Aniga & Inj. Faysal lasoo Af-jaray


Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro], isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta sheegay in murankii u dhexeeyay isaga gudoomiyaha UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe lasoo Af-jaray.

C/raxmaan Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta lagu qabtay Hoteelka Mansuur ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, oo lagu daah-furayay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyeeshaha Gobolka Saaxil oo billaabanaysa Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

“Maalmahan waxaa saxaafada ku jiray warar ku saabsan muranka aniga iyo saaxiibkey Inj. Faysal noo dhexeeyay, Waxaanan Saxaafadda iyo shacabka ku war-gelinayaa Maanta inuu ahaa mid Siyaasadeed, lana soo af-jaray oo ay dhamaatay. Aniga iyo Saxiibkeyna gacmaha ayaynu is-haysannaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Sidoo kale, C/raxmaan Cirro iyo Inj. Faysal oo Guddoomiyeyaal ka ah Asxaabta Mucaarad Somaliland ayaa kawada Qayb-galay Saakay kulanka lagu daah-furayay diiwaan-gelinta ka billaaban doonta Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaan ka hadlin muranka lasoo af-jaray ee uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Wadani, C/raxmaan Cirro, waxaase la arkayay iyagoo gacmaha is-haysta intii uu kulanku socday.

Ugu dambeyn, Hadlaka C/raxmaan Cirro ayaa wuxuu imaanayaa maalmo ka hor markii uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu u Hanjabay Guddoomiyaha WADDANI, iyadoo Xisbigu uu xusay inay dacwad arrintan la xiriirta u gudbiyeen guddiga doorashooyinka Somaliland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya