4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
Maamulka G/Hiiraan iyo Hay’adaha Sama-falka oo ka hadlay biyo-yarida Baladweyne (Sawirro)

Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Mas'uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha Sama-falka ee ka hawl-gala Gobolka ayaa kulan ay maanta yeesheen uga hadlay Xaaladaha Biyo-la'aaneed ee ka jirta Baladweyne, kaddib markii uu Biyo-yareeyay Webiga Shabeelle oo ay inta badan ku tiirsanaayeen ceelasha biyaha siiya magaalada.

Kulanka ay mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha hay'addaha isku dhaafsadeen aragtiyo iyo xog ku saabsan siddii gurmad biyo-dhaamin ah loogu sameyn lahaa Shacabka deggen xeryaha Barakacayaasha oo dhibaatada ugu badan ee arintan ay taabaneyso.

Duqa degmada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Baadiyoow] ayaa sheegay in kulanka looga hadlay labo Qodob oo kala ah; Gurmadka Biyo-dhaaminta ah iyo sidii maamulka iyo hay'adaha samafalku uga qeyb-qaadan lahaayeen nadaafada magaalada, gaar ahaan wabiga oo ay dadku u isticmalaan goob lagu soo fogeeyo qashinka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulanka ka sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin ka Qayb-qaadashada Gurmadka loo Sameynayo Dadka Dhibaateysan, laakiin hay'adaha Samafalka looga baahan yahay inay qaataan doorkooda ku aaddan arrintaan.

Kulanka maanta Beledweyne ku dhexmaray Mas'uuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha Samafalka ayaa imaanaya xilli Toddobaadyadii laga soo gudbay uu NGO-ga Dhugad biyo-dhaamin kawadday qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xeryaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha ah.

Madaxa NGO-ga Dhugad C/qaadir Faarax Nuur Jabiye ayaa HOL u sheegay in mudadii ay biyo-dhaaminta ku jireen Gaarsiiyeen Biyo-nadiif ah Dad ka badan 4,000 oo Ruux, isagoo raaciyay in mar walba taagan tahay baahida loo qabo Biyo-nadiif ah oo la cabo, maadaama aysan suurtagal aheyn mustaqbalka fog ku tiirsanaanta isticmaalka biyaha wabiga.

Ugu dambeyn, Duqa degmada Beledweyne Cumar Baadiyoow ayaa uga digay shacabka ku Shubaya Qashinka Webiga, isagoo sheegay in cid kasta oo Arrintaas lagu arko laga Qaado doono tallaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya