4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
Xukuumadda North Korea oo Maanta Tijaabisay gantaallo balaastik ah oo ridadoodu aysan fogeyn


Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa Maanta Hawada u dirtay laba Gantaal oo Balaastiko ah oo Xambaara kara Madaxyada Nuclear-ka, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha dalkaas, waxaana tijaabadan ay imaanaysaa xilli lagu soo rogay dhawaan dalkaas cunno-qabteyn.

Sarkaal ka tirsan millateriga North Korea ayaa Warbaahinta u sheegay in Gantaalladaan oo ah kuwa riddo-gaaban oo 310-mayl gaaraya ayaa laga ganay xeebta waqooyiga Dalkaas ku taalla.

Tijaabada gantaalladan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan xukuumadda Pyongyang ay ku goodisay inay isticmaali doonto Nuclear,  Haddii khatar dhanka ammaankeeda ah oo kusoo wajahan ay dareento.

Warbaahinta Waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa baahisay Maanta oo Khamiis ah muuqal uu Madaxweynaha Waddankaas Kim Johng-un uu ku sheegay in gantaallada ay tijaabiyeen ay yihiin kuwa lagu xiri karo Nuclear-ka, ayna gaari karaan masaafooyin aad u fog.

Sidoo kale, Cuno-qabteyntii ay QM dhawaan kusoo Rogtay Xukuumadda Pyongyang ayaa lagu Xusay in aan Dalkaas laga iibin karin wax hub ah, sidoo kalena aanan xamuullo ay ka mid yihiin kwa hubka ah laga gelin karin badda, dhulka iyo cirka intaba.

Ugu dambeyn, Tijaabadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay dhoolla-tus millateri wadajir u sameeyaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed, taas oo ka dhici doonta badda dalkaas oo uu muran ka taagan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya