4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
DHAGEYSO: Xildhibaan Siciid Xeyd oo ka hadlay su’aalo weydiintii RW Cumar iyo Madaxdii Kale


Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd oo ka Tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa ka Warbixiyay sababihii ay ugu yeeraan dhawaan RW Somalia, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda, ayna wax uga weydiiyeen Arrimo la xiriira ammaanka guud ee dalka.

Mudane Siciid Xayd oo u Warramayay VOA-da ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen; Dilalka iyo Qaraxyada is-daba-joogga ah ee dhacaya Muqdisho, mas’uuliyiinta iyo ardayda la beegsanayo iyo Arrimo kale.

“Baarlamaanka Somalia waa hay’addii Sharci-dajinta Somalia, wuxuu xaq u leeyahay inuu La-xisaabtamo ha’yadda fulinta, sida Ra'iisul Wasaaraha, Ujeeddadeennua waa sidii Dadka Soomaaliyeed ay Nabad-galyo ugu soo Toosi lahaayeen, Hawl-maalmeedkooda ugu Gudan lahaayeen si nabad ah, iyagoo aan Wal-wal-qabin. Madaxda dalkuna ay magaalada u dhex-mari lahaayeen iyagoo Ammaan ah. Waana taas midda keentay in aan u yeerno Hay’adaha Arrimahani khuseyaan oo aan wax ka weydiinno meesha habacsanaantu ka jirto,” ayuu yiri Xildhibaan Siciid Xayd.

DHAGEYSO: Wareysiga Xildhibaan Siciid XEYD ay la yeelatay Idaacadda VOA-da;

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa la Weydiiyay su’aal ahayd; Sababta ay markii hore wax uga qaban waayeen dilalka iyo Qarxyada, Halkii aad mooshinno ku mashquuli lahaydeen, ayuu xildhibaanku wuxuu kaga jawaabay.

“Wax walba wakhtigooda ayay dhacaan… Markii aan aragnay qaraxyada maalin walba ka dhacaya hoteelada muhiimka ah oo dad badan oo Qaranka muhiim u ahaa ay ku dhinteen… isla markaana aan aragnay inay sii badanayaan ayaa waxaanu is-tusnay inaan hay’adaha ay Arrintani khuseyso inaan iska aragno oo aan wax iska Weydiinno. Waayo Qaraxyadaan iyo dhimashada Xildhibaan keliya kuma sinna ee dadka oo dhan ayay saameyn ku lahayd.”

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaan ka hadlin jawaabihii ay mas’uuliyiintii ay ugu yeereen Baarlamaanka Somalia ka bixiyeen su’aalihii ay xildhibaannadu weyidiyeen, iyadoo sidoo kalena guddoonka baarlmaaanka Somalia oo horay u sheegay inay soo bandhigi doonaan aysan weli soo bandhigin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya