4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2016
Saraakiil Katirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Baydhabo Kusugan

Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL)-Waxaa safar ku gaaray Baydhabo saraakiil sare oo ka socda maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayadoo maalin ka hor ay ka bilaabatay Baydhabo maxkamadeynta latuhunsaneyaal loo maleeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo dhawaan maqaayado magaaladaa kuyaala ka dhacay oo tobanaan qof ay ku naf waayeen tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhammaadkii ama dabayaaqadii bishii tagtay ayay ahayd markii maqaayado dad badan ay isugu yimaadaan oo kuyaala Baydhabo lala eegtay qaraxyo halkaas oo ay ku wafaadeen dad kabadan 30 qof.

Xassan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana ka mid ah saraakiishaa Baydhabo gaaray ayaa warbaahinta u sheegay in 7dii bishan ay soo gaareen Baydhabo xubno ka tirsan garsoorka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya shalayna la bilaabay maxkamadeynta eedeysaneyaasha oo gaaraya ilaa 8 qof oo shan ka mid ah aad loogu sii tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyadii Baydhabo gilgilay.

Gaashaanle Dhexe  Xassan Cali Nuur Shuute ayaa intaa ku daray in sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya eedeysaneyaasha loo qabtay sharci yaqaano uga dooda maxkamada horteeda.

Waxaa xusid mudan in marar badan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay xukuno dil ah ku ridday dad lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay dalka Soomaaliya gudehiisa.

[email protected]