4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 10, 2016
Ciidammo Somali ah oo ka Qayb-galay Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Degmada Aw-dheegle


Khamiis, Maarso 10, 2016 (HOL) — Ciidammo Somali ah ayaa la sheegay in ay ka Qayb-qaateen hawlgalkii habeen hore laga fuliyay degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo khasaarihii ka dhashay ay illaa hadda kasoo baxayaan warar kala duwan.

Hawlgalkan oo ay fuliyeen diyaaerado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa waxaa la sheegay inay ciidamadii la socday ay ku jireen Kumaandoosta Somalia, waxaana dagaalka dhex-maray ciidamada diyaaradahan watay iyo kuwa Al-shabaab uu socday muddo saacad ah.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, Col. Mark Cheadle ayaa sheegay in ciidamadooda aanay wax xabad ah ridin, balse ay sugayeen amniga goobaha ku dhow halka uu howlgalku ka socday, isagoo xusay in ciidamada la dagaalamay kuwa Al-shabaab ay ahaayeen Kumaandoosta Soomaaliya.

“Ciidamadeenu waxay ahaayeen kuwo talooyin siinayay Ciidamada Soomaalida ah ee kula jiray daaalka Al-shabaab. Diyaaradaha duullaanka lagu qaadanayna innaga ayaa iska leh,” ayuu yiri Col. Cheadle.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia ayaa sheegay in hawl-galkaas lagu dilay 15 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna gacanta ku soo dhigeen lix ruux oo ay doon-doonayeen, kuwaasoo aanu sheegin magacyadooda iyo xilka ay ka hayeen Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa kii ugu horreeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaadoosta Somalia iyo Ciidanka Mareykanka ee Somalia ku sugan; waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli maalmo ka hor la duqeeyay saldhig ay ku lahayd Al-shabaab bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya