4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Mas'uuliyiinta iyo Shacabka Puntland oo si weyn u soo dhaweeyay Kooxda Puntland (SAWIRRO)


Axad, July 31, 2016 (HOL) — Cayaartooyda Kubadda Cagta Puntland ee kusoo Guuleystay dhawaan Koobkii Tartankii Kubadda Cagta ee Maamul-goboleedyada Somali ee lagu qabtay Muqdisho, ayaa si  weyn loogu soo dhaweeyay maanta Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa waxaa uga hor-tagay Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey, qaar ka mid ah Golayaasha Puntland, cayaaryahanno hore oo Soomaaliyeed iyo Qaybaha Bulshada.

Intaas, kaddib cayaartoyda Puntland ayaa loosoo qaaday Barxada Magaalada Garoowe oo ay kula damaashadeen boqollaal Dadweyne ah oo wakhti badan joogay, iyadoo la arkayay dadka oo gacmaha ku wata Sawirrada ciyaartoyda Puntland ee koob soo qaaday.

Agaasimaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, C/qaadir Cali Daahir Juula oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii la socday kooxda Puntland ayaa wuxuu ka hadlay qaab cayaareedkii tartankii Maamul-goboleedyada Soomaaliya ay kooxda Puntland kusoo bandhigtay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Puntland, C/qaadir Maxamed Yuusuf Alaale, ayaa dhankiisa sheegay in guushan ay ahayd mid ay filayeen madaama ay dadaal dheeri ah sameeyeen cayaartoyda inta tartanka uusan billaaban.

Ugu dambeyn, Soo dhaweynta iyo dabaal-daga koobka ay kusoo guulaysteen xulka Puntland ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, waxaana la filayaa in berri oo ah markii la aas-aasay Puntland 18-sano ka hor inay xulka kubada cagta mar kale soo bandhigaan koob ay kusoo guulaysteen.

Abaadir Cabdulqaadir Cilmi
[email protected]  
Garoowe, Soomaaliya