4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Wafdi Rugta Ganacsiga Somalia ka Socda oo lagu soo dhaweeyay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)

Axad, July 31, 2016 (HOL) — Wafdi ka socda rugta gacansiga iyo warsahadaha Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana wafdigan oo dhowr gobol socdaal ku soo maray soo dhaweeyay ganacsata iyo xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Ganacsatadaan oo Socdaalkoodu la xiriiro Cilmi-baaris ku saabsan iskaashi Gacansi oo Somalia iyo Mareykank dhex-mara iyo Dhiirri-galinta qurbojoogta Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in dalka Soomaaliya uu soo hagaagayo, sidaa daraadeed ay muhiim tahay in dadkiisa dibad joogta ah ay kula soo laabtaan hantida iyo aqoonta ay hayaan.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Cabdi Abshir Dhoorre oo ah ayaa Jaaliyadda u sharraxay Waxqabadka iyo Aragtideeda ku aadan Horumarka iyo Mustaqbalka dheer ee Ganacsiga Soomaaliya, Wuxuuna sheegay in ujeedka ugu weyn ee Rugta Ganacsiga ay tahay inay horumariso, isla markaana difaacdo danaha gacansatada iyo gacansiga Soomaaliya.

"Rugta Ganacsigu waa albaab laga galo Gacansiga Dalka, taas oo aan soo nooleynay Xubinnimadeedii caalamka" ayuu yiri Cabdi Dhoorre.

Guddoomiyaha Rugta Maxamuud C/Kariin Gabeyre ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ku dhiirro galiyay in ay Dalka dib ugu soo laabtaan, isla markaana ka qeyb galaan fursadaha bannnaan. "Haddii aan isku geyno maskaxdeenna iyo hantideenna waxaan abuuri karnaa fursadao badan oo ganacsi, dalku wuxuu u baahanyahay in dadkiisu ay maalgashadaan, ma jirto maalin ay uga bannoontahay maalgashi," ayuu yiri Gabeyre oo intaas ku daray.

"Waxaa nagu ceeb ah inaan wax kasta dibadda ka keenno, ma dhici karto inagoo lacagteennu ay taal Dal kasta oo Dunida ah, laga soo billaabo South Africa illaa China, ilaa Dubai iyo Minnesota in aan haddana xitaa karfanta iyo istakiinta ka soo iibsanno warshado dalal shisheeye"

C/rashiid Caynaanshe oo ah guddoomiye ku xigeenka rugta Ganasiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xayaysiiyo wajiga fiican ee gacansiga dalka iyo mashaariicaha la abuuri karo, wuxuna sheegay in safarkoodu uu muhiimad gaar ah u leeyahay dhiirro galinta Soomaaliyada adduunka, loona sheego sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dalka.

"Ganacsatada Soomaaliyeed kaliya maahan faa’iido doon ee sidoo kale waa deeq bixiyeyaal, waxaan taageernaa dhismaha waddooyinka ee danta guud, agoonta, indhooleyaasha, iyo u gurmashada dhulka abaaraha iyo daadadka" ayuu xusay Caynaanshe.

Maxamuud Cusmaan Maxamuud (Taako) ayaa isna yiri "Ganacsatadu qeyb kasta oo ay ka tirsanyihiin waa dad walaalo, mana laha qabiil iyo xuduud, waxayna wada ilaashadaan danta gacansiga, waana dad is aaminsan"

Xubnihii kale ee Wafdigaan, ayaa iyaguna sheegay in fursaduhu ay ka jiraan dhinac kasta haddii ay ahaan laheyd, Warshadaha, Bangiyada, Isgaarsiinta, xoolaha, kalluunka, beeraha, gacansiga guud iyo xaafiisyada loojistikada intaba.

Wafdigan waxay sidoo kale dowladda Mareykan iyo madaxda goboladda ay soo mareen kala hadleen arrimaha Xawaaladaha iyo fursadaha maal-gashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyo weliba is weydaarsiga shirarka iyo macluumaadka gacansiga.

Ugu dambeyn, kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno uu ka mid ahaa Injineer Jabriil Afyare ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay ganacsatada gobolkan Minnesota oo uu ugu horeeyay Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, waxayna u ballan qaadeen inay abuuri doonaan wada shaqeyn joogta ah.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota