4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
SAWIRRO: Jawaari oo ka Qayb-galay Xaflad lagu sagootinayay Cayaartoyda Maamulka Puntland

Axad, July 31, 2016 (HOL) — Munaasabad xalay oo ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho oo lagu sagootinayay Cayaartoyda Puntland, ayaa waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Xildhibaannada Baarlamaanka, Wasiiro, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, taliyaha Asluubta, Dublamaasiyiin uu ka mid ahaa; Danjiraha Jabuuti ee Somalia iyo marti sharaf kale.

Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegtay in xafladda uu soo qaban-qaabiyay guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad u jeedaduna tahay in la Dhiirri-geliyo Cayaartooyda Kubadda Cagta Puntland ee hantay koobkii Gobollada dlaka.

Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Soomaaliya oo iyaguna Munaasabadda ka hadlay ayaa si isku mid ah u guubaabiyey guushaas ay gaareen ciyaartooyda Puntland ee hantay koobkii maamul goboleedyada.

Agaasimaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maamulka Puntland Axmed Tigaana oo xafladda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Munaasabadda sagootinta ah ee uu Cayaartoyda Puntland u sameeyey sidoo kalena madaxdii uu ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayuu uga mahad-celiyey kasoo qayb-galkooda.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Somalia, Cali Axmed Jaamac [Jangali] oo isna munaasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa bogaadiyay cayaarahanno ceynkan ah ee ay isku dhex-galayaan Gobollada Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa isaguna ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen Ciyaartooyda Puntland taasi oo uu ku tilmaamay iney tahay guul u soo hooyatay shacabka, golaha Wakiillada ay mataannaha yihiin iyo Xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ayaa u hambalyeeyey Dhamaanba cayaartoydii ka socday maamul-goboleedyada dalka ee tartankii loogu qabtay Muqdisho, isagoo dhanka kale bogaadiyey sii socoshada Cayaaraha noocan ah; iyadoo ay gabi ahaanba gobollada Somalia laga qayb-galinayo maadaama ciyaaruhu aanay xuduud lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Xafladda lagu Sagootinayay Cayaartooyda Kooxda Kubadda Cagta Puntland oo sidoo kale ahayd casho sharaf ciyaartooyda loo sameeyey ayaa intii ay socotay waxaa suugaan kala duwan kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda Shamsudiin Band.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya