4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Dibad-baxyada looga so horjeedo Booliska Canada oo ku fiday gudaha dalkaas

Axad, July 31, 2016 (HOL) —In ka badan 500 oo qof ayaa dibad-baxyo ka dhigay qaybo kamid ah dalka Canada ,kuwaasi oo ka soo horjeeda dil dhawaan loo gaystay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan ,kaasi oo sida la sheegay ay boolisku jir-dileen.

Cabduraxmaan oo 37-jir ah ayaa maalnimadii Isniinta ee todobaadkii hore u geeriyooday dhaawac xun oo ka soo gaaray jir-dil ay boolisku ugaysteen ,iyadoo dad-goob-joogayaal ah ay sheegeen in Cabdi aad loo garaacay ,taasi oo sababtay geeridiisa.

Geerida Cabdi ayaa dadka Canada dib u xusuusiyay dilal ku salaysan Isirka nacaybka oo booliska Maraykanka ay ku toogteen dhowr qof ,taasi oo markii danbe sababtay dilal is-xiga oo jawaab u ahaa falalka lagu beegsanayo dadka madow-ga ah.

Dibad-baxayaasha ayaa ku heesayay ereyo Booliska Canada looga soo horjeedo ,waxaana dhaq-dhaqaaqa Black lives Matter oo u dooda dadka madowga ah ay sheegeen in ay sii wadi-doonaan mudaharaad-yadan inta cadaalad looga helayo kiiska Cabdiraxmaan Cabdi.

“Iyaga ayaa dilay ,mana ahan arin loo dul-qaadan karo” ayaa kamid ahaa ereyada ay adeegsanayeen dibad-baxyaashaan ,kuwaasi oo markii danbe hor-yimid xarunta weyn ee booliska magaalada Ottawa si ay dareenkooda u muujiyaan.

In ka badan 600 qof ayaa maalnimadii Jimcaha ahayd ka qayb-galay aas loo sameeyay marxuum Cabdiraxmaan ,waxaana dadkii aaskiisa ka qayb-galay kamid ahaa duqa magaalada Ottowa Jim Watson iyo qaar kamid ah culumaa’idiinka Soomaliyeed ee ku nool Canada.

Ugu danbayn, Soomaalida Canada ayaa hadda bilaabay olole xoogan oo dhaqaale loogu aruurinayo qoyska Cabdiraxmaan si cadaalad loogu helo dilka dhacay ,mana ahan marki ugu horeysay oo fal caynkan oo kale ah lagu so eedeeyo booliska

Faysal M.Hassan
[email protected]