4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
SAWIRRO: Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka CAGAAR-SHOWGA oo laga Xusay Muqdisho

Axad, July 31, 2016 (HOL) — Xuska Maalinta Caalamiga ah ee ka Hor-tagga iyo la-dagaallanka Cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga (World Hepatitis Day) oo Sanad kasta la xuso 28-ka July ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.

Xuskan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dr. Dufle iyo Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Waxaana hal-ku-dhig sanadkan ee Cudurka Cagaarshowga uu yahay (NOhep) oo la macno ah (Maya Cagaarshowga).

Mas'uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir, Isbitaalka Taqasusiga ah ee Dr. Dufle, Aqoon-yahanno, arday iyo xubno ka socday qeybaha bulshada ayaa munaasabadan ka qeyb galay.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna agaasimaha Isbitaalka Taqasusiga ee Dr. Dufle oo munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in cudurkan uu faro ba’an ku hayo bulshooyinka caalamka, ayna sanad walba u dhintaan malaayiin qof oo intooda badan ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Koonfur bari aasiya iyo Latin Amerika, isagoo xusay in qorshuhu yahay cudurkan in laga ciribtiro aduunyada ugu dambeyn sanadka 2030-ka.

"Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah oo sida amusan wax u dila (Silent Killer)" ayuu yiri Dr Dufle oo intaa ku daray in cudurka cagaarshowga ay keenaan feyrusyo kala duwan oo keena burbur iyo dhaawac u geysta unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaasoo uu sheegay iney ka mid yihiin Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A (Hepatitis A Virus – HAV) ayuu sheegay Prof. Dufle inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan oo ruux, isagoo xusay inuu ku badan yahay caruurta iyo dadka waaweyn, wuxuuna tilmaamay in cudurkan uu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab saf mareen ah (Outbreak).

"Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku noolyihiin sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro" ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo dhinaca kale ku dheeraaday calaamadaha cudurka iyo sida ugu haboon ee looga hortago, loona daweeyo.

Mar uu ka hadlayey Soomaaliya ayuu sheegay Prof. Dufle inuu aad ugu badan cudurkan ayna ka jiraan dhaqamo hore iyo dhibaatooyin kale oo gacan ka geysanaya in cudurka cagaarshowga uu maalin walba soo rito dad cusub, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan isticmaalka Cirbad lagu duray qof jiran, qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo, galmada lala sameeyo qof cudurka qaba, daawo dhaqameedka sida: Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalmo dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin cudurkana sii faafin kara.

Prof. Dufle ayaa si hufan uga jawaabay su’aalo ku saabsan cudurkan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda iyo dadkii kale ee ka soo qeyb galay munaasabadan.

Hormuudkii hore ee Kuliyaddii Caafimaadka ee Jaamacaddii ummadda Prof. Khaliif Bile Maxamuud oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa ugu horeyn bogaadiyey Jaamacada Banaadir oo uu xusay iney kaalin hormuudnimo kaga jirto horumarinta Caafimaadka dalka, isagoo ku tilmaamay hooyada Jaamacadaha dalka.

"Qofku waaxyaha uu ku nool yahay labo labo ayuu ka heystaa sida kelyaha, sambabada iyo qaar kale, laakiin Beerka waa hal kaliya, la’aantiis ma noolaan karo, maxaa yeelay waa warshaddii kala saareysay waxaa jirkeenu u baahan yahay iyo qashinka sidaa awgeed waa in muhimad gaar ah la siiyaa, lagana hortago cudurada ku dhaca sida cagaarshowga iwm" ayuu yiri Prof. Khaliif Bile Maxamuud.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa u mahad celiyey Profasoraddii kulanka ka jeediyey wacyi gelinta la xiriirtay ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka Cagaarshowga oo uu sheegay iney aheyd mid loo baahnaa maadaama buu yiri cudurkan uu dhibaato ku hayo dad badan oo Soomaaliyeed.

"Haddii aan nahay Jaamacada Banaadir waxay noo tahay joogto inaan qabano mar walba maalmaha calamiga ah ee loo asteeyo cudurada kala duwan ee dadka ku dhaca ujeedooyinka laga leeyahayna waxa ka mid ah in bulshada laga wacyi geliyo cuduradaas sida looga hortago iyo sida loola xiriiri lahaa dhaqtarka.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in warbixin ay soo saartay sanadkan heyadda caafimaadka aduunka WHO ay ku sheegtay in cagaarshowga iyo cudurada uu keeno ay dilaan sanad walba dad ka badan inta ay dilaan marka la isku daro cudurada HIV iyo malariyada, taasoo uu xusay iney muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay qatarta cudurkan, wuxuuna tilmaamay in kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir ay dalka ka sameyn doonto cilmi baarisyo ku aadan xaalada cudurkan iyo sida bulshada wacyi gelin dhab ah looga siin lahaa" ayuu Dr. Dalmar.

Ugu dambeyn, Munaasabada oo kusoo dhammaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Guddoomiyaha Midowga ardayda kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Cadnaan C/llaahi Xuseen iyo xubno kale, waxaana intii ay socotay la isku dhaafsaday fikrado kala duwan oo ka turjumaya cudurkan cagaarshowga iyo hababka ugu haboon ee looga hortegi karo faafidiisa.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya