4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Canada: Soomaali dibad baxday ayagoo ka careysan nin Soomaali ah oo boolisku dilay

Axad, Luuliyo 31, 2016 (HOL)-Soomaali iyo Muslimiin badan ayaa dibad bax isugu soo baxay maagaalada Ottawa ee dalka Canada shalay.

Dadkaa ayaa ka careysnaa dilkii boolisku dhowr maalmood ka hor u geeystay nin Soomaali ahaa oo waxoogaa dhimirka la sheegay inuu ka jiranaa, kaasoo ay ka qabteen meel u dhow gurigiisa oo magaaladaa ah.

Ninkaa ayaa la sheegay inay garaaceen dabadeedna uu u dhintay jirdilkii ay u geysteen. Mudaaharaadeyaasha ayaa gaaray ilaa afaafka hore ee xarunta biliiska ee Ottawa shalay kadib sidii arxan darrada ahayd ee asbuucii hore ay u dileen Al-marxuum C/Raxmaan Cabdi.

C/Raxmaan Cabdi ayaa biliisku markii ay garaaceen waxay ku xireen jeebad asagoo dhulka yaal. Intaa kadib waxaa yimid dhaqaatiir kuwaasoo baaritaan kadib sheegay inuusan nuuxnuuxsanayn.

Maalin ka hor ayaa meydka ninkaa lagu aasay magaaladaasi Ottawa ayadoo duugtiisa Soomaali badan iyo Muslimiin kale oo badan ay ka qeyb qaateen.

Qaar ka mid ah dadkii mudaaharaadayay ayaa sheegay in ninkaa loo dilay si midab takoor ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]