4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo booqday qeybo ka tirsan xaafada Islii (SAWIRO)

Axad, Luuliyo 31, 2016 (HOL)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa xalay fiidkii hore soo booqday xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Islii ee caasimada Nairobi Kenya.

Safiirka ayaa meelihii uu booqday waxaa kujirta xarunta dhaqanka iyo aqriska ee Awjaamac ee Xaafada Islii.

Safiirka Soomaliya ayaa wuxuu xarunta usoo booqday si uu uga qayb qaato talana uga bixiyo qabanqaabada xaflad sanadeedka Somali Heritage Week (Asbuuca Dhaqanka Soomaalida) oo dhici doonta bisha Oktoobar ee sanadkaan 2016.

Safiirka ayaa hambalyo iyo bogaadin ujeediyay xarunta isagoo amaanay howlaha ay qabato.

Madaxa warfaafinta ee xarunta, Maxamuud Axmad Xaaji oo ku magac dheer Xaaji Gool oo la hadlay Hiiraan Online ayaa si aad ah usoo dhaweeyay booqashada safiirku ku yimid xarunta oo qiime weyn ugu fadhida Soomaalida gaar ahaan inta kunool dalka Kenya wuxuuna uga mahad celiyay tageerada iyo niyad samida asaga iyo safaaradu la garab taagan yihiin xarunta iyo Soomaalida oo idil.

Ugu dambeyn, safiirka ayaa kulan la yeeshay aqoonyahano iyo mas'uuliyiin halkaa iyana joogay oo ay kujirto  gabadha madaxa ka ah xarunta, Marwo Fardowsa Jaamac oo iyaduna aad usoo dhaweysay kaalinta safiirka ee  noolaynta dhaqanka Somaaliyeed.

Safiirka ayaa u ballan qaaday xarunta iyo guud ahaan Soomaalida in safaaradu si aad ah ula shaqeyn doonto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya.