4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Muwaadin Somaliland ah oo mudo u xirnaa dowlada Denmark oo lagu riday Xukun dheer iyo Ganaax


Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex ee Somaliland, ayaa muwaadin u dhashay Somaliland oo muddo badan u xidhnaa dalka Denmark ku xukuntay 20 sanno oo xadhig ah iyo 33 halaad mag ah oo la siinayo qoyskii uu ka soo jeeday Jonas Thomsen Sekyere oo lagu eedeeyey inuu dilay.

Maxkamadda gobolka Maroodi jeex ayaa xukunkan ku riday Cumar Xasan Cumar oo laba dhalasho haystay (Somaliland iyo Denmark) lagu eedeeyey inuu dil u gaystay muwaadin u dhashay wadanka Denmark sanadkii 2012-kii ka dibna ka soo baxday oo uu yimid Somaliland, waxaana xabsiga Somaliland loo taxaabay sanadkii 2013 oo uu illaa hadda ku xidhnaa.

Maxkamada gobolka Maroodi jeex oo soo gabogabaysay dacwadiisii oo dawlada Denmark dhibane ka ahayd ayaa cuskatay shareecadda Islaamka waxaanay ninka loo haysto dilkaasi Cumar Xasan Cumar ku xukuntay labaatan sanno oo xadhig ah iyo 33 halaad oo geel ah in mag ahaan loo siiyo reerka uu ka soo jeeddo ninka la dilay.

Xukuumadda dowladda Denmark ayaa sanadkii 2013 codsi u soo dirtay Somaliland in lagu soo wareejyo muwaadin Cumar Xasan Cumar, iyagoo ku doodaya in Cumar Xasan Cumar haysto dhalasho Denmark, isla markaana muwaadin dalkaasi uu dil u geystay, hasee yeeshe waxa ay xukuumadda Somaliland oo raad-raacaysa sharciga dalka u yaala ka diiday dalabkaasi ah inay dal kale u gacan galiso, balse Somaliland codsatay in dowladda Denmark ay ku soo wareejiso gal-dacwadeedka oo dhan xeer ilaalinta Somaliland, islamarkaana maxkamadaha dalka lagu qaado kiiska loo haysto, maadaama oo sharcigu ogolayn in muwaadin dal kale loo gacan galiyo, sidaasna ay ku ogolaadeen wadanka Denmark, taas oo dacwaddaasi muddo dheer ka socotay magaaladda Hargeysa.

Hase yeeshee, Maxamed Abokor oo ah looyarka u doodayey muwaadinkan Cumar Xasan Cumar oo HOL khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadanayo oo xukunkan ku dhacay sharci daro tahay, maadaama oo cidii dacwaynaysay aanay joogin balse xeer ilaalintu Somaliland uun dacwadda ku soo oogtay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland