4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Madaxweyne Gaas oo Maanta Abaal-marin Guddoonsiiyay Ardaydii Kaalimaha Hore galay (Sawirro)


Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa maanta abaal-marin guddoonsiiyay 13-kii arday ee ugu sarreeyay imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare ee Puntland, kuwaasoo isugu jira billad-sharafeedyo, shahaadooyin iyo lacago.

Kulanka Madaxweynuhu ku bixinay abaal-marinta waxaa goob-joog ka ahaan wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiir ku-xigeenka wax-barashada, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Ugaas Maxamuud Cabdiqaadir Shoole iyo Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda dhalay

Wasiirka Waxbarashada, Prof. Abshir Aw-Yuusuf, ayaa sheegay in 13-ka arday iyo kuwo kale oo kaalimo fiican keenay ay wasaarada Waxbarasada Puntland u dirayso Deeq-waxbarasho oo Dalka dibaddiisa ah.

Sidoo kale, Madaxweyne C/weli Gaas ayaa 13-ka arday ee imtixaannadii Puntland ugu sarreeyay ugu hambalyay dadaalka ay muujiyeen intii waxbarashadoodi dugsiga ay ku jireen.

Dhinaca kale, C/weli Gaas ayaa gaari Nooho ah ku Guddoonsiiyay Ardaygii ugu sarreeyay dugsiyada sare ee Puntland, kaaso ah Wiil dadaal badan uu ka muuqday.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Gaas ayaa ardayda kale ee Sannadkaan Fasalka Afraad dhiganaya kula Dar-daamay inay dadaal dheeri ah muujiyaam, isagoo u ballan-qaaday in ardayda kaalimaha hore gala ay helayaan deeq-waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah.

Abaadir Cabdulqaadir Cilmi
[email protected]
Somalia ,Garowe