4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2016
SAWIRO: Tababar loo qabtay shaqaale loogu talo-galay inay xoojiyaan Awooda Wasaaradaha

Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Tababar socon doona muddo 6 cisho ah ayaa maanta loo furay 50 shaqaale cusub ah oo ku guuleystay Imtixaan loo galay boosas kala duwan oo ka banaanaa qaar ka mid ah Wasaaraddaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Tababarkan oo ka furmay xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda, ayaa shaqaalahan lagu fahamsiin doonaa qaabka hab-maamulka dowladnimo, waxaana sidoo kale shaqaalahan casharo siin doona khubaro dhanka maamulka dowliga ah.

Shaqaalahan oo ku guuleystay Imtixaan ay iska kaashadeen qaadistiisa, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Wasaaradda Shaqada iyo koox ka socotay Bankiga Adduunka, ayaa waxaa lagu baahiyay goobaha Mareegaha (Websites), halkaasoo ay dadka shaqo doonka ah ay ka soo dalbadeen, kadibna laga qaaday Imtixaan si hufan oo dhex dhexaad ah loo qaaday, waxaana soo dalbaday in ka badan 300 oo ruux, waxaana ugu dambeyntii ku guuleystay 50 ruux oo loo gartay inay ahaayeen dadka ugu aqoonta iyo waaya aragnimada badnaa.

Shaqaalahan ayaa waxaa mushaarkooda bixin doona Bankiga Adduunka, waxa uuna mashruucan shaqaaleynta ahi socon doonaa muddo 5 sano ah. Sida uu sheegay Madaxa mashruucan Cumar Cabdi, waxa uuna sidoo kale sheegay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka faa’iideysan karo fursadahan shaqo.

"Barnaamijkan waxaa markii hore la oranayay Soomaaliya kama dhaqangali karo, sababtoo ah waddamo ka horumarsan Soomaaliya ayuu ka shaqeyn waayay, balse maanta waxaa alle mahadiisa ah inuu ka dhaqangalay, oo aan dufcadii labaad ee shaqaalahan tababar u furnay, waxaana rajeynayaa in shaqaalahan la qaatay ay wax badan ku kordhiyaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda, aqoontoodana uga faa’iideeyaan," ayuu yiri Cumar Cabdi oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka tababarkaan.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud C/risaaq Warsame Biikolo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan shaqaalahan cusub, ayna dhawrayaan inay kusoo kordhiyaan Wasaaradaha wixii aqoon ah iyo tayo shaqo, waxa uuna xusay in Wasaaradda Howlaha guud ay 5 ka mid ah shaqaalahan ka mid noqon doonaan, ayna soo dhoweynayaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya