4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Madaxweynaha Turkiga oo eedeeyay sargaal Mareykan ah

Sabti, Luuliyo 30, 2016 (HOL)-Erdogan ayaa eedeyn usoo jeediyay sargaalka heysta ciidamada Mareyknka ee kusugan gobolka Bariga Dhexe, Joseph Votel.

Erdogan ayaa ku eedeeyay inuu la jiray isla markaana uu gacan siiyay ciidamadii gadooday ee afgambiga isku dayay dalkaasi Turkiga labo asbuuc ka hor.  Joseph Votel ayaa isna sheegay in qabqabashada ciidamada ee haatan socota ama shaqo ka eryida qaarkood ay dhaawacayso xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya ciidamada Mareykanka iyo ciidamada Turkiga oo ka wada tirsan NATO.

Raisula wasaaraha Turkiga Binali ayaa sheegay in loo baahan yahay in xerooyinka ciidamada gadooday ee afgambiga isku dayay la xiro.

Madaxweyne Raccep Tayyep Edrogan ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in caalamku ka maqsuudo sida sharafta leh ee afgambigaa waxuushnimada ah loogaga hortagay oo gaashaanka loogu daruuray.

Wariyeyaal badan ayaa maxkamad lasoo taagay kadib markii lagu soo eedeeyay in warar aan munaasab ahayn ay gudbiyeen. In kabadan 21 saxafi ayaa la hor keenay maxkamad kutaala caasimada Istanbul.

Wargeysyo, talefishino, idaacado iyo jariidado iyo waliba wakaalado warar ayaa sidoo kale albaabada laisugu dhuftay oo la xiray kadib markii ay warar aan habboonayn ay faafiyeen.

Waxaa sidoo kale la xiray goobo ganacsi iyo shirkado kale oo lala xiriirshay dadkii soo maleegay afgambiga dhicisoobay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]