4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Xulka kubadda cagta Jubaland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo [SAWIRRO]


Sabti, Luuliyo 30, 2016 (HOL)-Ciyaartooyda Xulka kubadda cagta ee Jubaland iyo macalimiintooda oo kasoo qeybgalay cayaarihii kubadda cagta ee loo qabtay dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay gaoronka diyaaradaha Kismaayo, ayadoo soo dhaweyntani ay ka qeybqaateen madaxda ugu sareeysa ee Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Saaka aroortii ayaa garoonka Kismaayo waxaa buuxdhaafiyay dadweeyne fara badan oo isugu jiray bulshada qeeybaheeda kala duwan, kuwaa oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo soo dhaweyn ah iyo astaanta qaranka Soomaaliya iyo tan Jubaland, waxaana dadweeynaha ka muuqday farxad iyo reynreyn ku aadan heerka ay ciyaartooyda Jubaland ka gaareen tartankii dowlad goboleedyada dalka oo ciyaartii kama danbeysta ay la dheelaan xulka Puntland ee ku guuleystay Koobka.

Madaxdii ciyaartooyda garoonka kusoo dhaweeysay waxaa kamid ahaa Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere, Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubaland, mudaneyaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweyn kadib waxaa ciyaartooyda la geeyay Hool ku yaal Koontaroolka Baarcaleen ee ku yaal illinta hore ee laga galo garoonka Kismaayo, halkaasoo ciyaartooyda qado loogu sameeyay, waxaa goobtaasi ku sugnaa kooxaha kala duwan ee fanka, kuwaa oo soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin deegaanada Jubaland iyo heeso ay ku amaanayeen xulka kubadda cagta Jubaland.

Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere) oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo u diray cayaartooyda, isagoo ku amaanay kaalinta ay ka galeen tartankii dowlad goboleedyada, wuxuuna xusay in Jubaland ay diiradda saari doonto sidii loo tayeyn lahaa ciyaartooyda islamarkaana dib loogu dhisi lahaa garoomadii kubadda cagta ee ay lahaayeen deegaanada Jubaland ee ku burburay dagaalladii sokeeye.

Waxaa sidoo kale munaasibadda ka hadlay  wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo dhammaantood amaanay kaalinta uu xulka Jubaland ka galay tartankii dowlad goboleedyada dalka ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Xulka kubadda cagta Jubaland ayaa cayaartii ugu danbeeysay ee tartanka la dheelay xulka Puntland, ayadoo ciyaartooyda laba dhinac ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, haseyeeshee xulka kubadda cagta Puntland ayaa ciyaartii ku badiyay Gool-ku-laad, ayagoona ku guuleystay koobkii loo dhigay ciyaartooydii ka kala timid dowlad goboleedyada dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.