4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2016
Cayaaraha Todobaadka Dhaqanka Soomalida Canada oo Gaba-gabo ku Dhow iyo kulamo xiisa leh oo dhacaya (SAWIRRO)

Sabti, July 30, 2016 (HOL) —Dabaal-degyo iyo munaasabado lagu xusayo todoobka dhaqanka ee Somalida Canada ayaa wali ka soconaya gudaha magaalada Ottowa ,waxaana maalmihii la soo dhaafay la ciyaaray kulamo kubadda cagta ah oo lagu xusayo todobaadkan.

Kooxda Ottawa FC ayaa wajahi doonta Banaadir Toronto halka kooxda kale ee Minnesota Twins ay  la cayaari doonto Minnesota Tigers , waana afarta kooxood ee sida rasmiga ah ilaa iyo hadda ugu soo gudbay semi-finalka koobkan.

Cayaarahan ayaa ka dhici doona garoonka kubadda cagta ee  Centenial Park Stadium ee magaalada Toronto ,kaasi oo lagu wado in ay u soo daawasho tagaan boqolaal Somali ah oo kala taageeraya kooxaha wada-ciyaaraya.

Dhinaca kale waxaa cayaarahan bar-bar socda kuwa kale oo ay wada-yeelanayaan ciyaar-yahano hore oo cuslaaday ,waxaana ay u kala kala ciyaarayaan kooxaha kala ah  Ottawa Boston iyo Washinton oo iyagana maanta is arki doona.

Ugu danbayn, kulamada Finalka ee labada ciyaarood ayaa dhici doona maalinimada Axadda ah ,waxaana ciyaarahan loogu tala-galay in kor- loogu qaado is-dhex-galka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka Canada

Faysal M.Hassan
[email protected]