4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2016
Soomaalida Ottawa oo si weyn uga soo Qayb-galay Aaska marxuum Cabdiraxmaan Cabdi (SAWIRRO)

/images/2016/July/

Waa kan Aabaha  Dhalay Cabdiraxmaan oo lagu magacaabo Cabdi.


Sabti, July 30, 2016 (HOL) — Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ayaa si wadajir uga wada soo qayb-galay duugtii marxuum Cabdiraxmaan Cabdi oo ay Axaddii aynu soo dhaafnay booliska magaalada Ottawa ku dileen agagaarka gurigiisa.


Dadweynihii duugtaas ka soo qay-galay ayaa si weyn uga careysnaa sida foosha-xun oo ay booliska magaalada Ottaw u dileen wiilkan Soomaaliyeed. Dad badan oo ay wareystay HOL ayaa u sheegay in jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa codsanayaan in caddaaladda la marsiiyo cid-dii ka dambeysay dilka Cabiraxmaan.

Const. Daniel Montsion iyo Const. Dave Weir oo ka tirsan booliska magaalada Ottawa ayaa waxaa ku socda baaritaan la xiriira dilkii Cabdiraxmaan Cabdi. Marqaatiyaal isugu jira Soomaali iyo dad caddaan oo goobjoogayaal ka ahaa markii ay booliska falkaan geysteen  ayaa xaqiijiey in jir dil loo geystay Cabdiraxmaan uu u geeriyooday.

Baaritaanka oo ay hadda gacanta ku hayaan hay'adda baarta booliska gobolkan Ontario ee loo yaqaano "Ontario's police watchdog" ayaa jawaabtoodu qaadandoonta bilooyin. Maalintii talaadada ayaa baaritaanka loo yaqaano "autopsy" lagu sameeyey meydkii Cabdiraxmaan.

Ugu danbayn ,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ayaa wada dadaalo dhaqaale loogu arruurinayo qoyskii uu ka geeriyooday Cabdiraxmaan Cabdi si ay u helaan kharashka qareenka ay qabsadeen oo ah midka ugu magac dheer qareenada magaaladan Ottawa.

Ahmed Gure
[email protected]